Home Wararka Maanta Codeen loo qabtay Bulshada oo lagu ogaaday in Xisbiyada L iyo MP...

Codeen loo qabtay Bulshada oo lagu ogaaday in Xisbiyada L iyo MP ay Barlamaanka ka baxayaan.

0

kadib doorashadii dhawaan ka dhacday Dalka Sweden ayaa kadib Hay.ada Sifo oo kaashaneysa Ekot waxay qabateen fikrad aruurin ku aadan xisbiyada ka dhisan dalka iyadoo codadka la sameeyay lagu ogaaday in Xisbiga L iyo MP ay barlamaanka ka baxayaan hadii maanta ay jiri laheyd doorasho.

Xisbiga Liberalka ayaa helay 3.9 celcelis ahaan marka loo eego doorashadii ugu danbeesay oo uu helay 5.5 celcelis ahaan waxana tiradaasi ka yartahay tirada lagu galo barlamaanka oo ah 4 boqolkiiba.

Xisbiga MP ayaa dhankiisa fikir aruurinta la sameeyay waxa uu helay 3.9 boqolkiibab marka loo fiirsho tirada uu helay doorashada oo aheyd 4.4 boqolkiiba waxayna u muuqata in uu barlamaanka ka bixi lahaa hadii maanta ay doorasho noqon laheyd.

Xisbiga Moderarka ayaa isna hoos u dhacay halka uu Xisbiga Socaildemokraterna uu saro u kacay codeenta ay qabatay Sifo oo kaa shaneysa laanta wararka ee Ekot.

Somaliska Stockholm

Xigasho/

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here