Home Wararka Maanta Dalka Sweden Hooyo iyo Wiilkeeda oo Baraf dartii ugu geeriyooday Magaalada Skutskär...

Dalka Sweden Hooyo iyo Wiilkeeda oo Baraf dartii ugu geeriyooday Magaalada Skutskär .

0

Hooyadan iyo wiilkeeda oo 15 jirka ayaa maydkooda laga helay bannaanka hore ee magaalada Skutskär ee Sweden.

Labada mayd ayaa laga helay meel biyuhu fariistaan laakiin barafowday oo uu god ku yeeshay barafka halkaasi yaalay magaalada Skutskär oo dhacda dhanka bari ee gobolka Norduppland.

Sida uu qoray SVT Uppsala maydadka ayaa haatan la aqoonsaday.

– Labada geeriyooday waa hooyo iyo wiilkeeda oo 15 sano jir ah ayuu yiri Daniel Wikdahl oo xagga warbaahinta u qaabilsan booliiska lana hadlay isla bogga.

Booliisku waxay sheegeen in hooyadan oo da’deedu ahayd 35 sano jir ay markii dhacdadu haleeshay 15:45 galabnimo arbacadii la socdeen qoyska oo ka kooban shan qofood, waxaana reerka ka soo haray saddex qofood.

Howlgal xoog leh oo la doonayey in lagu badbaadiyo dadkan ayaa guulaysan waayey in la helo labada qof oo muddo afar saac ah ay qaadatay in maydkooda la soo helo.

Qoyska ayaa lagu wargeliyey dhimashada xubnohooda, wuxuuna sheegay booliisku inaysan cidna tuhunsanayn marka laga hadlayo kiiska geerida xubnaha qoyskaan ka tirsanaa.

Somaliska Stockholm

Xigasho/nettavisen

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here