Home Wararka Maanta Booliska oo xiray Ninkii ka danbeeyay uur loo yeelay Haweeney Miir la’an...

Booliska oo xiray Ninkii ka danbeeyay uur loo yeelay Haweeney Miir la’an ah oo Sanado ku jirtay isbitaalka kuna dhashay.

0

Booliska ayaa ugu danbeen shaaciyay magaca ninkii ka danbeeyay dhacdadii ugu hadal heynta badneyd caalamka taasi oo ku aadan nin uur u yeelay Haaweney miir la.an ah mudo dhoor sano ah oo isbitaalka ku jirta isagoo markasta kufsan jiray isla markana la ogaaday in ay uur leedahay markii danbe.

Haaweneydan 00 29 sano jir ah ayaa ugu danbeyn dhashay waxana kiiskeeda loo baaray kiis kufsi kadib markii Booliska Dalka Mareykanka arintaasi soo farogaliyeen madama la waayay qofka falkaasi ka danbeeyay falkan ayaa ka dhacay isbitaalka Hacienda HealthCare care sida Somaliska.com kasoo xigatay warbaahinta.

Booliska ayaa baaritaanka ay sameeyeen waxaa kamid ah DNA guud ahaan dhaqaatiirta ka shaqeysa isbitaalka kuwaasi oo dhamaantooda la baaray iyadoo jawaabta lagu sheegay in kalkaaliye Nathan Sutherland oo 39 sano jir ah uu ka danbeeyay falkaasi.

Booliska Dalka Mareykanka gaar ahaan koonfurta Phoenix , Arizona  ayaa shir jaraa’id oo ay qabteen ku faafaahiyay natiijada baritaanka ay sameeyeen iyo falkaasi ka dhacay isbitaalka.

Somaliska USA

Xigasho/aftonpladet

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here