Home Wararka Maanta Arbetsförmedlingen Dowlada oo isbadal Cusub ku sameeneysa Xafiiska Shaqada Dalka Sweden

Arbetsförmedlingen Dowlada oo isbadal Cusub ku sameeneysa Xafiiska Shaqada Dalka Sweden

0

Isbedelo waawayn ayaa la filayaa in laga hirgaliyo xafiiska shaqada ee loo yaqaano ”Arbetsförmedlingen”, kadib heshiiskii dhinacyada badan taabanayay ee dhawaan ay wada jirka u gaareen xisbiyada taageeray dhismihii dowlada stefan löfven.

Qorshaha ugu wayn ee isbedeladaan lagu samaynayo ayaa noqon doona mid lagu yaraynayo howlaha xafiiska shaqada, islamarkaana loo wareejinayo xarumo ama shirkado madax banaan, waxaana isbedeladaan lagu hir gelin doonaa mudo seddex sano gudahood ah.

Martin ådahl oo ka tirsan xubnaha baarlamaanka ee xisbiga Centerpartiet, islamarkaana ka mid ah xisbiyada heshiiska gaaray ayaa sheegay in ay jiri doonto isbedelo lagu samaynayo xafiiska shaqada.

– Waxaa dhaca isbeddello weyn, mar haddii aas aaska wax laga bedeleyo, isbedelkana waxaa loo sameeyneyaa dadka shaqa la’aanta ku sugan, sida uu sheegay Martin Ådahl oo ka tirsan xildhibaannada xubnaha xisbiga Centerpartiet uga qaybta ahaa, islamarkaana soo diyaariyay is bedelka.

Dhamaan xisbiyada mucaaradka iyo muxaafadka ayaa ka sinaa eedaymaha ay u jeedinayaan adeega xafiiska shaqada oo ay ku dhaleecaynayeen in aanu sidii loogu talagalay u caawin dadka shaqo la’aanta ah, laakiin waxa ay ku kala aragti duwanaayeen qaabka uu noqon karo xalka ama isbedelada loo baahan yahay.

Dadka shaqo doonka ah ayaa awood u yeelanaya haatan in ay kala doortaan shirkadaha ay caawinaada ka helayaan iyagoo u eegaya sida ugu wanaagsan oo ay shaqo ku heli karaan.

Isbedeladaan lagu samaynayo howlaha xafiiska adeega shaqada ayaa bilaaban doona isla sanadkaan iyadoo la dhamaystiri doono ilaa iyo sanadka 2021, mana jiri doono gudi howleed loo xilsaari doono si uu baaris uga soo sameeyo hindisahaan, sida uu sheegay Martin Ådahl.

Toddobaadka soo socda, ayaa la soo bandhigi doonaa warbixin la xiriirta baaristii suuqa shaqada ee loo xilsaaray inay ka soo talo bixiso suuqa shaqada iyo xafiiska shaqada.

– Dabcan waannu ka qaadan doonaa natiijada ugu wanaagsan ee baarista,. Dhanka kale lama huubo inuu isbedelku noqon doono guud ahaan midka baarista lagu soo bandhigo, maadaama aannu heeysannno dhabbo cayiman oo ay tahay in la raaco, sida uu sheegay Martin Ådahl.

Martin Ådahl ayaa sidoo kale sheegay inuu kalsooni ku qabo in dawladdu hirgelin doonto dib-u-habeeyntaan, oo uu aaminsan yahay inuu yahay isbedelka ugu cad ee dhinacyadu ku heshiiyeen.

Somaliska Stockholm

Xigasho/radiosverige

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here