Home Wararka Maanta Norway Hay’ada NAV oo 11,000 kun oo Qof ka joojisay Lacagta taageerida...

Norway Hay’ada NAV oo 11,000 kun oo Qof ka joojisay Lacagta taageerida ee Xiliga Shaqo la’anta.

0

Tirakoob ka soo baxay Nav ayaa muujiyey in 8.500 qof laga joojiyey inay qaataan lacagta la siiyo qofka shaqo la’aanta noqda (dagpenger) kadib markii la ogaaday inay iskood uga soo tageen shaqadii ay haysteen, taasoo aysan Nav u arkin inay haystaan sabab lacagtaan lagu siin karo sida uu qoray wargeyska Dagbladet.

Waxaa sidoo kale 800 qof oo kale laga jaray lacagtii kaalmada qiimeynta shaqada, halka 600 qof ay diideen fursado shaqo oo loo soo bandhigay markaasoo laga jaray lacagtii ay qaadan jireen.

Waxaa ka mid ah dadkan 2.300 qof oo laga jaray lacagta dagpengerka markii ay diideen ka qaybqaadashada howlo ama la kulanka Nav.

Dadka diida inay shaqo raadsadaan ama ama diida inay qaataan shaqo loo helay meelkasta oo ay dalka ka tahay ama diida inuu ka qaybqaataan howl maalmeedyada (tiltak) ee Nav ama kulamadeeda kasoo qaybgeli waaya ayaa la sheegay in laga jarayo lacagta ama la ganaaxayo in laga joojiyo Dagpengerka 12 usbuuc. Madaxa Nav Sigrun Vågeng ayaa dhankeeda sheegtay in arrintani ay shaqaysay.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here