Home Wararka Maanta Midowga Yurub oo digniin kasoo saaray iibinta Basaboorka Muwaadiniinta Yurub.

Midowga Yurub oo digniin kasoo saaray iibinta Basaboorka Muwaadiniinta Yurub.

0

Golaha Midowga Yurub ayaa digniin adag waxay kasoo saareen iibinta Basaboorada Muwadiniinta yurub ee laga iibiyo dadka hodanka kuwaasi oo dhibaato adag ay kasoo gaari karto wadamada kale ee ka tirsan Midowga Yurub.

inkastoo aysan Aheyn wax sharci daro ah hadana War laga soo xigtay Golaha midowga Yurub ayaa lagu sheegay in ay abuuri karto caawinta kooxaha xagjirka ah iyo abuurida kooxaha geesta dambiyada.

Wadamada Malta, Cyprus iyo Bulgaria kaliya ayaa ah Wadamada Midowga Yurub ee iibiya Basaboorka Muwaadinimo iyadoo lacagtaasi ku badashtay in ay maalgashadaan Dalkooda waxana 20 wadan ee ku mideysan Midowga Yurub oo lagu daray sadaxdan wadan ay ka siman yihiin iibinta Ruqsada daganaanshaha.

Wadanka Bulgaria ayaa ku dhawaaqay Talaadadii in uu joojinayo iibinta Basaboorka weyn dhamaadka sanadka halka midowga yurub uu sheegay in koox u saarayo soo bandhigida sidii sanadkan dhamadkiisa loo joojin lahaa iibinta basaboorka.

Somaliska Stockholm

Xigasho/Aftonpladet

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here