Home Wararka Maanta Götenborg Booliska oo helay gabar yar oo laga afduubtay Albaabka hore ee...

Götenborg Booliska oo helay gabar yar oo laga afduubtay Albaabka hore ee Hoyga Xanaanada Caruurta.

0

Booliiska dalka Sweden ayaa ku guulaystay inay dib u soo celiyaan gabar yar oo lix bilood jir ah oo isla maanta lagu waayey bannaanka hore ee goob xannaano ah oo ku taalla magaalada Göteborg.

Hooyada dhashay gabadha yar ayaa cunugta oo ku jirta gaariga lagu riixo dhigtay albaabka hore ee xannaanada carruurta (barnehage) ee xaafada Hisingen ee magaalada Göteborg si ay gudaha uga soo saarto gabar kale oo iyada ka weyn oo xannaanada joogtay.

Hooyadii oo waysay gabadha markii ay dibadda u soo baxday ayaa booliiska ku wargelisay dhacdada, markaasoo ay booliisku bilaabeen howlgal ballaaran oo lagu baadi goobayo cunugta yar ayna ka qaybqaateen roondooyin ciidan ah oo wata eeyo wax uriya, fardo iyo diyaaradaha qumaatiga u kaca.

Markii muddo labo saac ah lagu howlanaa baadi doonka cunugta yar ayey suurto gashay in gabadhii oo sideedii ugu jirta gaariga carruurta laga helo bannaanka dukaan ku yaalla xaafadda kale ee Bäckebo oo lix kilomitir u jirta goobta ay ku taallo xannaanada gabadha lagu waayey.

Waxay booliiska magaalada Göteborg u soo xireen kiiska gabadha yar haweenay da’da 40-tameeyada ah, taasoo lagu soo oogay inay afduubatay cunugta yar. Illaa iyo hadda ma sheegin warbaahinta Sweden nuuca afduubkan.

Somaliska Götenborg

Xigasho/nettavisen

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here