Home Wararka Maanta Shaqaalihii Dekada Magaalada Malmö 30 kamid ah oo joojiyay Shaqadooda.

Shaqaalihii Dekada Magaalada Malmö 30 kamid ah oo joojiyay Shaqadooda.

0

Aroornimadii saaka saacada todobadi ayey shaqo joojin iyo lookout, khilaaf shaqo oo ah in shaqo bixiye ka xiro shaqaalaha goobta shaqada ka bilowday dhowr deked oo ku yaal dalka.

Shaqaale gaaraya 30-meeyo ayaa dekedda Malmö joojiyey shaqada.

Sune Hansen oo ka mida shaqaalaha shaqada joojiyey ee Malmö ayaa ku qanacsan shaqo joojinta uu sameeyey.

Khilaafka ayaa saameeyey ururka shaqaalaha dekedaha Hamnarbetarförbundet oo leh xubno gaaraya 1 300 kuwaasoo doonaya iney heshiis wadajira ee afka iswiidhishka loogu yeero kollektivavtal la galaan shaqo bixiyeyaasha dekedaha Sweden ee Sveriges hamnar.

Mattias Dahl, madaxa Sveriges hamnar ayaa sheegay inaanu heshiis wadajira la geli doonin ururka shaqaalaha Hamnarbetarförbundet – maadaama uu howshaa mas’uul ka yahay ururka shaqaalaha Transport.

Erik Helgeson oo xubin ka ah gudiga ururka shaqaalaha Transport ayaa u arka in khilaafkani yahay halganka noloshooda isagoona saameynaya ururka iyo xubnihiisa.

Shaqo joojinta oo aroonimadii ka bilaabatay sadax deked oo ku yaal Malmö iyo Söderhamn ayaa maanta ku fidi doonto dalka iyadoo ay shaqada joojin doonaan shaqaale ka howl-gala dekedo toboneeya ah.

somaliska Malmö

Xigasho/radiosverige

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here