Home Wararka Maanta Norway oo Dalkeeda ka ceyrisay Dublamaasi u dhashay Dalka Poland oo lagu...

Norway oo Dalkeeda ka ceyrisay Dublamaasi u dhashay Dalka Poland oo lagu eedeeyay.

0

diblomaasigan ayaa dhowr jeer ka hadlay kiisas la xiriira Barnevernet.

Wasaaradda arrimaha dibadda (UD) ayaa cadaysay inay dalka ka erisay diblomaasi u dhashay dalka Poland oo lagu magacaabo Slawomir Kowalski kaasoo ay dowladda Norway ku sheegtay in aan looga baahanayn dalkan.

– Waxaan cadayn karnaa in UD ku boorisay Poland inay dib ula noqdaan qunsulkan ayey tiri Ane Haavardsdatter Lunde oo UD u qaabilsan arrimaha saxaafadda lana hadashay NTB.

Wasaaradda arrimaha dibaddu waxay sheegtay in arrintani aysan waxba u dhibi doonin xiriirka wanaagsan ee labada dal u dhexeeya. Iyadoo wasaaradu arrinta erinta ninkan ku bandhigtay kulan ay la yeelatay safiirka Poland u fadhiya Norway.

Kowalski oo horey mar mar dhowr ah warbaahinta Norway kala hadlay arrimo la xiriira kiisas ay gacanta ku hayso hay’adda carruurta ee barnevernet ayaa sidoo kale la xusay inuu qayb ka qaatay caawinta qoysas khilaaf dhex maray oo ay ku jirtay xaalkooda barnevernet.

Somaliska Stockholm

Xigasho/radiosverige

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here