Home News in English Migrationsverket-ka oo War Cusub kasoo saaray Qaabka uu Qofka ku heli karo...

Migrationsverket-ka oo War Cusub kasoo saaray Qaabka uu Qofka ku heli karo Sharciga Sweden.

0

Hay.ada laanta Socdaalka Sweden ayaa war qoraal ah oo ay soo dhigtay website Migrationsverketka waxay kaga jawaabtay qoraal lagu baahiyay dhanka baraha bulshada kaasi oo la xiriira qofka heesta diinta Chrismiska ee iska dhiiba laanta socdaalka in uu la kulmayo su.alo tijaabo ah oo la xiriira qofkasi iyo diinta Christian-ka uu sheegtay.

hadal-heynta ayaa sidoo kale waxaa si aad ah kaga hadlay warbaahinta gudaha Dalka sweden oo soo xiganaya dad badan hase yeeshee Laanta socdaalka sweden ayaa hadalkaasi ku sheegtay mid qaldan iyadoo ku celisay qaabka qofka uu ku heli karo sharciga Dalka ama difaacid dhibaatada uu kaga soo  cararay dalkiisa.

Migrationsverket-ka ayaa jawaabteeda ku sheegtay in qof kasta ee iska dhiiba dalka ay qasab tahay in la waydiidyo ama la baaro kiiskiisa magangalyo iyadoo la eegayo dhibaatada uu kasoo cararay iyadoo la eegayo oo kaliya dhibka ku dhacay isaga oo kaliya ama shaqsiyadiisa madama la joojiyay arimaha kale sidaa walalkaa oo la dilay ama qoyskaga oo dhibaato loo geestay.

Muhiimada diinta ee qofka ayaa lagu sheegay in ay muhiim u tahay sida qofka uu u sharaxo oo kaliya tusaale hadii dhibaato uu kala kulmay diinta uu heesto.

Per Ek. oo ka tirsan laanta socdaalka ayaa sheegay in nasiib daro tahay in lasoo bandhigo hay’ada laanta socdalka in ay qofka ka qaado tijaabo la xiriirta in uu diintiisa badashay ama in kale.

Qoraalka Laanta Socdaalka ayaa ku soo aadaya iyadoo lasoo dhisay Golaha Wasiirada Sweden taasi oo keeni karta in ay fududaato howlada shaqo ee Migrationsverketka oo aad u xayirnaa bilihii u danbeesay.

Somaliska Stockholm

Xigasho/Migrationsverket-ka

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here