Home Wararka Maanta Raisal Wasaaraha Sweden Stefan Löfven oo Barlamaanka ka horjeediyay Siyaasada Dowladiisa Cusub.

Raisal Wasaaraha Sweden Stefan Löfven oo Barlamaanka ka horjeediyay Siyaasada Dowladiisa Cusub.

0

Stefan Löfven oo toddobaadkii hore loo doortay inuu qabto hoggaanka dawladda ayaa iminka hortagay xildhibaannada baarlamanka, sidii uu uga hor akhrin lahaa dhabbada siyaasadda ee dawladdiisa. Islamarkaana u soo bandhigi lahaa xubnaha dawladdiisa.

– Iminka ayaannu qaadi karnaa tallaabooyin wax looga qabaneyo howlaha na hor yaala, sida uu sheegay Stefan Löfven.

– Goobaha shaqada oo kordha, wasakhda cimilada oo la yareeyo. Nidaamka hab nolol wanaagga oo ka hagaagsanaada iyo is dhexgalka oo la dardar geliyo. Ammaanka oo kor loo qaado iyo dunuubta oo lala dagaalammo, ayaa ka mid ahaa waxyaabihii uu carrabka ku dhuftay Löfven.

Löfven ayaa sheegay in lagu tallaabsan doono is bedel ballaaran oo dib u habeeyn loogu sameeyneyo nidaamka canshuuraha. Isagoona intaa raaciyay in isbedel ballaaran uu ku dhacay xaaladda siyaasadda Sweden.

– Waxaa bilaabmay wada shaqeeyn taariikhi ah, sida uu sheegay Löfven.

Somaliska Stockholm

Xigasho/radiosverige

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here