Home Wararka Maanta Norway Somalida oo lagu tilmaamay Qaxootiga ugu badan ee Caruurta u dira...

Norway Somalida oo lagu tilmaamay Qaxootiga ugu badan ee Caruurta u dira Somaliya.

0

warbixin laga soo saaray Dalka norway isla markana looga hadlayay baaritaan lagu sameeyay caruurta loo diro wadamada Dibada ayaa lagu sheegay in Caruurta Somalida ay yihiin kuwa ugu badan ee lagu celiyo dalkooda iyadoo waalidka ay qasab uga dhigayaan in dhaqan celin ku soo sameeyaan sida ay muujineyso warbixin cusub oo ay soo saartay FAFO.

Afar kamid ah 10 caruur ee ku dhalatay Dalka norway ama soo gaaray iyagoo jira 5 sano jir ayaa dib loogu celiyaa dalkooda ama dalalka kale ee Caalamka si loosoo baro dhaqanka somaliya ama diinta islaamka sida dugsiyada Quranka sida ay muujineyso warbixinta lasoo saaray.

”Aniga lama yaabayo in dhalinyaro badan oo somali Norwegian ah ay wax ku soo dhigtaan dalka dibadiisa sidaa waxaa sheegtay” Yusro Mohamed Mire oo labo sano wax ku soo dhigatay dalka Masar iyadoo kadib ku soo laabatay Dalka Norway.

warbixinta ayaa ku soo aadeysa iyadoo dhawaan talafashinka NKR ee Dowlada uu warbixin kale ka diyaariyay caruur kasoo laabtay dalka dibadiisa kuwaasi oo sheegay in dhibaato kala kulmeen dugsiyada Quranka ay dhiganjireen sida in la garaaco.

Dalka Norway ayaa kamid ah Dalalka Norway ee sida aadka ah diirada u saara Qaxootiga ay somalida ugu horeyso iyagoo mararka qaar Waalidka ka qaata caruurtooda sababo la xiriira in aysan masuuliyadooda qaadi karin.

Somaliska Oslo

Xigasho/NKR.no

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here