Home Wararka Maanta Norway Haweeney lagu tooreeyay Dukaan ku yaalla Xaafada Møllergata ee Caasimada Oslo.

Norway Haweeney lagu tooreeyay Dukaan ku yaalla Xaafada Møllergata ee Caasimada Oslo.

0

Haweenay middi lagu dhaawacay fal isku day dhac ah bartamaha dukaan ku yaalla Møllergata magaalada Oslo.

Dhacdadaan ayaa abaara 12.53 ka dhex dhacay dukaanka cuntada ee Kiwi ee xaafadda Møllergata ee agagaarka bartamaha Oslo.

– Goob joogayaaal ayaa nooga warbixiyey in haweenaydaan oo macmiil ka ahayd dukaankann xagga dhabarka mindi looga dhuftay ayuu yiri madaxa howlgalada booliiska Vidar Pedersen.

Haweenayda waxaa loola cararay isbitaalka weyn ee Ullevål sykehus lamase cadayn inta uu la eg yahay dhaca gaaray.

Qofka falkan ka dambeeyey ayaa kadib tooreeyda uu haweenayda ku muday la sheegay inuu handaday qofkii joogay kaasada dukaanka, waxaana suurto gashay inay booliisku qabtaan waxyar kadib.

Dukaanka ayaa la sheegay inuu xiran yahay isla markaana laga qaadayo baaritaano ku aadan dambi baaris.

Somaliska Oslo

Xigasho/nettavisen

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here