Home News in English Maxay Tahay Hadal-heynta Somalida Sweden ee Dowlada Stefan Löfven soo dhisayo.

Maxay Tahay Hadal-heynta Somalida Sweden ee Dowlada Stefan Löfven soo dhisayo.

2

Mudo dhoor bilood kadib waxaa jimcihii leesku raacay in Xisbiga S uu ku laabto Hogaanka Sweden mudada afarta sano ee soo socota arintaasi ayaana timid kadib markii Xisbiyada qaarkood ay ku heshiiyeen qodobada Sharciyada dalka oo muran ka taagnaa.

Somalida ayaa dooda xisbiyada iyo Hogaanka Dowlada ee Xisbiga S kala socday Warbaahinta hase yeeshee hadal heynta ugu badan ee somalida ayaa noqotay sida xisbiga uu ku fulinayo qodobada uu kala heshiiyay Xisbiyada dhanka Alliansen sida imtixaanka luuqada iyo sidoo kale dhanka shaqooyinka.

Somalida badankooda ayaana aaminsan in hirgalinta qodobadan oo ka kooban 73 heshiis ay adagtahay in durba laga hirgaliyo iyadoo ay qaadaneyso muda  dheer madama ay tahay in Barlamaanka la mariyo isla markana lagu heshiiyo miisaaniyada loogu tala galay si qorshahaasi u fulo.

Dadka badankooda ayaa aaminsan in ay durba ka bilaabanayaan oo la sugayo Barlamaanka oo kaliya madama xisbiyada midigta fog ay ka faa’ideysanayaan qodobka luuqada ee lagu xirayo helitaanka dhalashada Sweden.

Stefan Löfven oo ka hadlay heshiiska xisbiyada ayaa sheegay in ay ilaaliyaan heshiiska taariikhiga ee dhacay hase yeeshee maalinta isniinta ayaa la filayaa in wasiirada Cusub ee Dowlada in lagu dhawaaqo iyadoo intaasi kadib la guda galiyo shaqada dowlada oo mudo hakad ku jirtay.

Fadlan adiga sidee kula tahay Fakar ahaan.

Somaliska Stockholm

AD

2 COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here