Home Wararka Maanta War hada AH Stefan löfven oo markale loo doortay raisal wasaaraha sweden.

War hada AH Stefan löfven oo markale loo doortay raisal wasaaraha sweden.

0

Sagaalka subaxnimo ee saaka ayuu u furmay xildhibaannada baarlamanka Sweden, sidii ey uga doodi lahaayeen codka loo qaadi doono Stefan Löfven saaka inuu hoggaamiyo dawlad uu dalku yeesho.

Hadalkii ugu horreeyay ayuu xildhibaannada ka hor jeediyey guddoomiyaha xildhibaannada xisbiga S, Anders Ygeman, isagoona bogaadiyay heshiiskii ey afarta xisbi wada gaareen, si dawlad lagu yagleelo.

Dabadii waxaa hadalkii la wareegay Jonas Sjösted, hoggaamiyaha xisbiga V, oo sheegay inuu soo dhoweeynayo doorashada Stefan Löfven, hase yeeshee uu gaar ka hayn doono hab dhaqankiisa siyaasadeed.

Maria Ferm oo u hadleeysay, xisbiga Miljöpartiet oo dawlad la soo dhisi doona xisbiga Socialdemokraterna ayaa sheegtay iney afarta xisbi ee heshiiska ku wada gaartey inuu Stefan Löfven qabto hoggaanka dalka ey ku jiraan xubno aan ku qanacsaneyn qodobbada lagu heshiiyey. Waxayna ka mid tahay dimoqoraadiyadda in aan meel un la isku wada raacin ee fikirrada lagu kala duwanaado.

Hoggaamiyaha xisbiga Liberalerna, Jan Björklund ayaa iminka hadalkii la wareegay. Ereyada Björklund ayay ka muuqdeen go’aannada adadag ee xisbiyadu gaareen sidii meel la isugu iman lahaa.

Iminkana waxaa qudbaddii la wareegay, hoggaamiyaha xisbiga SD, Jimmie Åkesson. Isagoona sidii laga filayay dhaleeceeyn dusha uga tuuray heshiiska ey xisbiyada afarta ah ee S, MP, C iyo L ey wadajirka u gaareen.

Xisbiga SD wuxuu maya ugu codeeyn doonaa doorashada Stefan Löfven (S). Wuxuu xisbigeeygu noqon doonaa mucaarad afarta sannadood ee foodda innagu soo haysa, ama muddo ka yar, isagoona ula jeeday haddii dawladdu dhacdo.

Hoggaamiyaha xisbiga Centerpartiet Annie Lööf, ayaa u mahad celisay xisbiyada heshiiska wada galay ee afarta. Iyadoona intaa raacisay inay howl adagi hor taalo sidii kalsooni loo kala heli lahaa.

Ebba Busch Thor, hoggaamiyaha xisbiga KD, oo xarunta baarlamanka ka hadashay ayaa xustay ereyadii Jonas Sjöstedt, V, iyadoona sheegtay in xisbiyada C iyo L dabin khiyaano ah loo dhigey.

Hoggaamiyaha xisbiga Moderaterna, Ulf Kristersson oo isagu ka mid ahaa ragga ugu cadcad in hoggaanka dalka uu qabto ayaa ku dhaleeceeyay Stefan Löfven inuu horey ugu guuldarreeystay hoggaanka dalka afartii sannadood ee ugu dambeeyey, islamarkaana uu xisbigiisu sidii laga filayayba u codeeyo maya.

131 maalmood ayaa ka soo wareegtay doorashadi baarlamanka iyadoona dhowr jeer la isku dayey in la soo dhiso dowlad. Coddeynta saaka ayaa noqon doonto tii sadaxaad wixii ka danbeeyey doorashada.

Somaliska Stockholm

Xigasho/radiosverige

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here