Home Wararka Maanta Sadax Qof ee loo xiray Tuhunka Dilkii ka dhacay Xaafada Tensta oo...

Sadax Qof ee loo xiray Tuhunka Dilkii ka dhacay Xaafada Tensta oo la siidaayay.

0

ku dhawaad 3 qof oo loo xiray shaki la xiriira dil dhawaan ka dhacay xaafada Tensta ee Waqooyiga Caasimada Stockholm ayaa la siidaayay sida uu TT u sheegay Xeer-ilaaliyaha Oskar Edvardsson oo Email ahaan u gaarsiiyay wakaalada Wararka ee TT.

Shakiga lagu xiray 3 qof ayaa timid kadib markii Habeenkii Sabtida gaar ahaan 20:00 pm ama fiidnimo lagu toogtay xaafada Tensta wiil Somali ah kaasi oo da’diisa lagu sheegay 25 sano jir waxana uu u dhintay dhaawaca soo gaaray kahor inta aan la gaarsiin isbitaalka.

Booliska Sweden ayaa sameeya baaritaan la xiriira dadka looga shakisanyahay dadka ka danbeeya dilalka dhaca iyadoo baaritaan kadib la siidaayo qofka lagu waayo wax danbi ah.

Somaliska Stockholm

Xigasho/TT

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here