Home Wararka Maanta Norway Siyaasada Qaxootiga ee Xisbiga Frp oo u xayiran Dhismaha dowlada la...

Norway Siyaasada Qaxootiga ee Xisbiga Frp oo u xayiran Dhismaha dowlada la wadaagayo

0

Afarta xisbi oo dhawaanahanba ka wada xaajoonayey dhismaha xukuumad cusub ayaa isku mari la’ saddex qodob.

Madaxda afarta xisbi ee kala Høyre, FrP, Venstre iyo KrF ayaa isku mari la’ dhowr qodob oo muddo 12 maalmood ah oo lawada hadlayey aan weli go’aan laga gaarin. Kootada qaxootiga, xeerka soo ridista ilmaha iyo sharciyada mukhaadaraadka ayaa laysku afgaran waayey illaa iyo hadda.

Frp wuxuu dalbanayaa in la adkeeyo qaxootiga oo hadda lagu soo koobay kootada qaxootiga, halka Venstre iyo KrF ay iyagu rabaan in kootada laga qaado 3.000 oo la gaarsiiyo illaa 5.000 sannadkii. Xubin ka tirsan FrP ayaa NRK u sheegay in in la kordhiyo qaxootiga ay tahay mid aan la akhbali karin.

Waxaa jira shaki laga qabo in haddii golaha dhexe Frp uu u codeeyo heshiiska dhismaha xukuumadda cusub uu keeni karo in KrF aanay ka mid noqon dowladda cusub.

– Waxaan qabaa shaki la’aan in codayntu ay keeni karto waxyaabo badan, waana dhici kartaa in laga codeeyo ayuu yiri wakiil goboleed Tone E. Ims Larssen oo ka tirsan Frp una waramay Dagbladet.

Qodobada kale ee laysku hayo waxaa ka mid ah siyaasadda mukhaadaraadka iyo soo ridista ilmaha oo siyaaaddooda aan weli layska afgaran.

Somaliska Oslo

Xigasho/Nettavisen

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here