Home News in English Waa Sidee Imtixaanka loo Marayo Basaboorka weyn Hadii Stefan Löfven uu guuleesto...

Waa Sidee Imtixaanka loo Marayo Basaboorka weyn Hadii Stefan Löfven uu guuleesto Jimcaha.

11

Mudo dhoor bilood kadib waxaa muuqata in uu jiro heshiis isku soo dhawaansho ah taasi oo keentay in xisbiyada isbahestay ay ka tanaasulaan siyaasadooda runta aheyd ee keentay in ay sameestaan isbaheysiga Röd grona iyo Alliansen waxana hada muuqata in Stefan Löfven uu noqonayo Raisal wasaaraha Sweden lakin taasi ayaa ku timaaday in Xisbiga uu ka tanaasulo qeybo kamid ah siyaasada xisbiga si uu u helo taageero dhameestiran.

Hogaamiyaha Xisbiga ayaa lagu wadaa in uu maalinta Jimcaha loo qaado codka Barlamaanka si u u hogaamiyo Dowlada cusub ee afarta sano ee soo socota waxana arintaasi ku timid kadib markii labada xisbi ee L iyo C ay taageero u muujiyeen dowlada oo ogolaatay sharuudaha ay wataan xisbiyadaasi oo aad u adag.

Taageerada labada xisbi ayaa dhanka kale waxay keentay in Xisbiga V oo ka tirsan garabka röd grona in uu ka laabto taageeradiisa isagoo sharuud uga dhigay Codkiisa kamid noqoshada dowlada la dhisayo xiligan.

Heshiisyada la gaaray isla markana la hadal hayo waxaa kamid ah.

Sharciga dhigaya in Luuqad lagu xiro Qofka noqonaya muwaadin Swidhish ah ama qaadanaya Basaboor weyn ayaa miiska saaran si Barlamaanka loo horgeeyo hadii stefan löfven uu guuleesto inkastoo wali aan la shaacin nuuca imtixaanka hadana waxa uu noqon karaa Mid Computer (Dator) lagu qaado ama mid afka laga qaado kaasi oo aad mareyso inta aadan codsan Basaboorka iyo qodobo kale oo canshuurta kamid tahay Wadanka Norway ayuu horay uga bilowday Sharcigaasi.

lama ogaan karo waxa dhici kara Maalinta jimcaha oo la filayo codeenta barlamaanka madama Dowlada ay u baahantahay taageerada Xisbiga V ee codeenta Barlamaanka.

Lasoco Wixii ku soo kordha Xaalada Barlamaanka ee Jimcaha.

Somaliska Stockholm

AD

11 COMMENTS

  1. su aal sxb Yuu qabanaya sharcigaan haduu dhaqan galo. dadka uu u xaraysan yahay ee go aanka sugayo makujiraan.
    ?mise waxaa uu qabanaya haduu dhaqan galo dadka soo dalban doono?

  2. Asc waxaan daganahay jarmalka sweden waa dal qaxootiga aad ugu fiicnaa waligayba uma qabin inaan qof luqad dalka ku hadlin la siin karo passportka jarmalka maba siiyo somalida mid mid ilaah uga qaaday kaasna waa inuu luqada haystaa B1 shahaadada layiraahdo iyo warqada cadaynta dhaqanka siyaasada oo ayana examkale ka ah 8sano dalka joogtid shaqaynayay 3adii sano udambaysay dambi galin kala wanaagsan jarmalka iyo sweden allaha idin ku amaansado

    • Äbdi Mudalib hada ayuu soo xumaanayaa sida muuqata waxana kala jeedaa dhanka sharciga lakin wadanka Sweden waa wadamada ugu feecan ee dhanka xaquuqda qaxootiga marka loo fiirsho kuwa kale ee Yurub thanks

  3. Runti arinkan waa mid aad iga nixiyay 8 sano bar baa iga harsan hadi shekadan run noqoto waa i niyad jab wayo hadey dhowr sano iga dhinan laheyd wax beey ahan leheed teda kale hooyo caruur heysata sidaa dhaw wax barasho kuma dhameyn karto yaa qeerka ilaah baa garanayo runti kuma farxin midaa

    • Sahra Waa Runta lakin intii dadaalkaaga samee si aad kaga badbaado hadii ay dhacdo in sharciga uu soo kordho waayo Xisbiyada ku heshiiyay waa kuwa Qaxootiga taageersanaa hadii ay Barlamaanka hor dhigaan waa hubaan uu dhaqan galayo waayo kuwa kale way kasoo horjeedan Qaxootiga Mahasanid

  4. su aasha aan qabo waxay tahay waxaa la dhahay shuruud afka ah, mexey tahay shuruud af ah ma su aalo afka lagaa weydinayo mise SFI wax ku saabsan. Mahadsanidiin Somaliska jawaabta lasoo dhaqsada adinkoo mahadsan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here