Home News in English Canada oo 28 January dib u fureysa Leen horay u xirnaa oo...

Canada oo 28 January dib u fureysa Leen horay u xirnaa oo Waalidkaga kuu keenaya.

0

Dalka Canada oo hada ugu horeeya wadamada Caalamka ugu wanaagsan dhanka Qaxootiga caalamka ayaa dib u furaya leen horay u xirnaa kaasi oo shacabka Canada dhaliil u jeediyeen kadib markii cadaalada daro lagu tilmaamay waxana leenka uu ka caawinayaa Qaxootiga dalkaasi in ay keenaan waalidkooda iyo sidoo kale ayeeyo ama awoowo oo loo yaqaano Canada’s Parents and Grandparents  sida ay heshay Somaliska.com oo aad ula socota wararka qaxootiga Caalamka.

Barlamaanka Dalka ayaa isbadal ku sameeyay sharciga kadib markii dhaliil xoogan u jeediyeen dadka Canada ku nool sharciga ayaana ah mid baqtiyo nasiib ah oo qofka ku xareesan karo codsi ku aadan in uu keensado waalidkiisa qaabki hore ayaa ahaa in Qofkii nasiib ku hela loo keenayo waalidkiisa hadii uu buuxiyo sharuudaha looga baahanyahay qofka xareestay.

Sharciga isbadalka lagu sameeyay.

Barlamaanka Dalka Canada oo sanadkii hore u fadhiistay Leenkaasi ayaa isbadal ku sameeyay qaabkii hore isagoo ka dhigay in loo fiiriyo dadka ugu horeeya ee xareesta codsiga loogu keenayo waalidka waxana arintaasi ay fursad siineysaa dad badan oo mudo dheer ku guuldareestay in ay waalikooda keenaan.

Dowlada ayaa sanadkan ugu talagashay in 20,000 kun oo qof ay xareestaan leenka isla markana loo keeni karo waalidkooda sida hooyo iyo aabe ama Awoowe iyo Ayeeyo sida Somaliska.com  ay kasoo xigatay Hay’ada socdaalka Qaxootiga iyo muwaadiniinta Canada ee ( Immigration, Refugees and Citizenship Canada (IRCC).

Sharuudaha looga baahanyahay Qofka oo Warbaahinta Somaliska soo koobtay.

1 Mida ugu horeesa ayaa ah in Qofka uu heesto dhaqaalo ku filan taasi oo salka ku heysa in Qofkaasi uu kafaali qaadi karo Qofka loo keeno inta uu Dalka la qabsanayo.

2 in Aad ka weyn tahay 18 sano jir hadii aad ka yartahay sharciga kuma quseeyo.

3 in qofka uu yahay muwaadin Canadian ah ama in uu heesto sharciga daganaanshaha Dalka.

Barnaamijka ayaa bilaabanaya 28 Janaury Waxana loogu tala galay 20,000 kun oo qof iyadoo muhiimada la siiyo dadka ugu horeeyo oo kalya fadlan la soco ama kala Soco Somaliska.com oo idin soo gudbineysa.

Fadlan Share’garee si dad badan ula socdaan

Somaliska Alberta

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here