Home Wararka Maanta Sweden SMHI oo digniin kasoo saartay Baraf gaaraya 50 centimeter oo la...

Sweden SMHI oo digniin kasoo saartay Baraf gaaraya 50 centimeter oo la filayo.

0

Hay’ada Dalka sweden u qaabilsan dhanka saadaasha hawada ee SMHI ayaa digniin kasoo saartay baraf xoogan oo la filayo in uu ka da’o Gobolada dalka isbuuca danbe kaasi oo gaaraya ama dhulka u jirsandoono 50 Centimeter waxana uu barafka durba isku badalidoonaa waxa loo yaqaano Halka ama silbasho.

Habeenka caawa ayaa la filayaa in barafka xoogiisa in uu da’o isagoo badankiisa ka bilaabanaya dhanka waqooyiga Västerbotten iyo dhanka koonfurta qeybo kamid ah Norrbotten barafka oo la filayo in uu gaaro 50 centimitir ayaa meelaha qaar waxaa dhici karta in uu kasii badato sida uu TT u sheegay Sandra Andersson oo ka tirsan Hay’ada SMHI.

SMHI ayaa digniinta 1 aad kasoo saartay gobolada dhanka koonfurteed ee Jämtlandsfjällen digniinta ayaa la xiriirta dabeylo xoogan iyadoo laga baqayo in ay kordhaan xiliga maalinta taasi oo keeni karta shilalka gawaarida ee ka dhaca wadooyinka.

habeen danbe oo isniin ah waxaa gobolada Götaland iyo Svealand laga filayaa roob iyo sidoo kale baraf qoyan taasi oo natiijadeeda noqoneysa in barafka uu noqdo sida jalaato oo kale qaasatan gobolka Götaland ayaa laga baqayaa in barafka uu keeno silbasho xoogan.

Dhanka Qabowga la filayo ee Digriiga.

Qabowga heerkiisa digriiga ayaa gaaraya inta u dhaxeysa 8 ilaa 14 isagoo ka hooseenaya 0 hay.ada SMHI. ayaa intaasi ku dartay in barafka uu sii soconayo ilaa isniinta markaasi uu daciifidoono ugu danbeyn isbuuca danbe waxaa sii soconaya qabowga halka uu yaraanayo digriiga lakin halista barafka ee silbashada ayaa sii jireysa.

Lasoco xaalada ku soo kororta Saacad kasta

Somaliska Gotenborg

Xigasho/Aftonpladet

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here