Home Wararka Maanta Norway Farmashiiyada oo laga waysanyahay Dawooyin Muhiim u ah Bulshada.

Norway Farmashiiyada oo laga waysanyahay Dawooyin Muhiim u ah Bulshada.

0
Daawo la’aantaan ka jirta Norway oo ah mid weyn oo ka dhigan in dadweynuhu aanuu helin karin dawadii loo qoray.

Sida uu qoray Stavanger Aftenblad daawooyinkan la waayey ayey ka mid yihiin qaybo badan oo ah nuucyada lagu daaweeyo dhiigkarka, kuwa dhiigga ka ilaaliya xinjirowga iyo nuucyo kale oo badan, kuwaasoo ay u baahi qabaan ama qaataan boqolaal kun oo noorweeji ah.

– Arrintani waxay ku qaadaysaa bukaanka hubaal la’aan. Kiisaska culus waxaan aragnay in bukaanada aan laga daweyn karin, tusaale xannuunka kansarka sababtoo ah daawadii oo aan sii soconayn ayuu yiri Steinar Madsenoo ka tirsan wakaaladda daawooyinka.

Mas’uulkan ayaa dhowr arrimood u sababeeyey daawo la’aantaan, wuxuuse tan ugu muhiim san ku sheegay iyadoo shirkadaha waaweyn ee dawooyinku ay wax ku iibiyaan xaquuqda soo saarista, qaasatan daawooyinka aysan danaynayn shirkadaha yar yar ee ka shaki qaba bixinta daawooyinkaas.

–Aad ayaan uga walaacsanahay ugana niyad jabsanahay shirkadaha daawooyinka soo saara ee aan si wanaagsan u hubin daawooyinka la soo saarayo. In la sameeyo daawo waxay keensanaysaa waajib loo qaado bukaanka ayuu yiri Madsen.

Sannadkii 2016 waxaa jiray 191 kiis oo daawo la’aan ah Norway, sannadkii 2017 358 kiis iyo 2018 684 kiis. Wuxuuna Madsen cabsi ka muujiyey sannadkan cusub ee 2019.

Somaliska Oslo

Xigasho/Nettavisen

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here