Home Wararka Maanta Go’anka Xisbiga Vänsterpartiet ee taageerida Stefan Löfven oo la Sugayo maanta.

Go’anka Xisbiga Vänsterpartiet ee taageerida Stefan Löfven oo la Sugayo maanta.

0

Xisbiga Vänsterpartiet ayaa laga dhoreyaa go’aankiisa inuu sii dayn doono Stefan Löfven inuu ku fariisto jagada hoggaanka dalka iyo in kale, dabadeed kulanka uu hoggaamiyaha xisbiga V Jonas Sjöstedt la yeelan doono af hayeenka.

Xisbiga Vänsterpartiet ayaa iclaamiyay shir jaraa’id kulankaa dabadii, halka uu afhayeenka baarlamanku sidoo kale qaban doono shir jaraa’id galabta marka uu soo gabagabeeyo kulammada uu la yeelan doono hoggaamiyeyaasha xisbiyada xubnaha ku leh baarlamanka.

Wixii intaa ka horreeya ayey xildhibaannada xisbiga Vänsterpartiet kulan ka yeelan doonaan halkii ey ka istaagi lahaayeen in Löfven la sii daayo iyo in kale.

Sida ay qortay wakaaladda wararka Sweden ee magaceeda loo soo gaabiyo TT inuu hoggaanka xisbiga Vänsterpartiet uu dhankiisa go’aan ka gaarey dhankii uu xisbigu u codeeyn lahaa.

Somaliska Stockholm

Xigasho/ radiosverige

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here