Home Wararka Maanta Faafaahin 3 Qof oo loo xiray Wiil Somali ah oo xalay lagu...

Faafaahin 3 Qof oo loo xiray Wiil Somali ah oo xalay lagu dilay Xaafada Tensta.

0

Abaaro xalay fiidkii ayay aheyd markii wiil somali ah lagu toogtay xaafada Tensta isagoo xiligaasi gaarigiisa dhiganayay goob la dhigto gaariga lakin dhaawiciisa ayuu u dhintay inta aan la geenin isbitaalka sida uu sheegay booliska.

Sida uu qoray radiyaha dowlada ku dhawaad 3 qof ayaa loo xiray shaki la xiriira in ay ka danbeeyeen dilkaasi loo geestay wiilkaasi somaliga oo da’diisa lagu sheegay 25 sano jir.

Eva Nilsson oo ka tirsan booliska ayaa shir jara’id waxay ku sheegtay in booliska uusan wax faafaahin ah ka bixineenin shilkaasi ka dhacay xaafada tensta lakin dadka la xiray ayaa lagu sameenayaan baaritaan la xiriira falkaasi.

goobta uu ka dhacay falka ayaa xirneyd ilaa saqda dhexe ee xalay markaasi uu baaritaan ka socday hase yeeshee dib ayaa loo furay waxana weerarka uu ku soo aadayaa iyadoo lagu jiro xiliga qaboobaha ama Vinterka oo badanaa aysan dhicin dilalka ay isku geesteen dhalinyarada.

Somaliska Stockhom

Xigasho/Radiosverige

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here