Home Wararka Maanta War Hada Ah Xaafada Tensta oo lagu toogtay Wiil Somali ah.

War Hada Ah Xaafada Tensta oo lagu toogtay Wiil Somali ah.

0

Wararka laga helayo Waqooyiga caasimada Stockholm gaar ahaan Xaafada Tensta ayaa sheegaya in halkaasi lagu toogtay wiil somali ah kaasi oo dhaawac ahaan looga qaaday goobta sida uu sheegay Afyeen u hadlay booliska Stockholm

Qofka la toogta ayaa lagu sheegay wiil somali ah hase yeeshee booliska faafaahin dheeraad ah kama bixin waxa uu dilkaasi la xiriiro iyo hadii ay qof u qabteen weerarkaasi sida ay sheegtay Towe Hägg.

Somaliska ayaa helaysa in toogashada ka dhacday nawaaxiga dukaanka Shabelle livs halkaasi oo booliska baaritaan ka bilaabeen iyagoo xiray goobta dhibaatada ka dhacday waxa uu dhacay abaaro 20.09 ee caawa.

Caasimada Stockholm gaar ahaan xaafadaha Rinkeby iyo Tensta ayaa mararka qaar waxaa ka dhaca weeraro iyo rabshado la xiriiro dhalinyarada ku sugan magaalada.

Faafaahin dheeraad ah 23:38 saacada markey tahay

Warar dheeraad ah oo hada nasoo gaaray ayaa sheegaya in wiilka somaliga ee la toogtay uu u geeriyooday dhaawaca soo gaaray iyadoo aanan la geenin isbitaalka waxana da’diisa lagu sheegay 25 sano jir.

Somaliska Stockhom

Xigasho/Aftonpladet

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here