Home Wararka Maanta Norway Maxkamadda Oslo oo diiday Racfaan uu Mahad Abiib ku joogi lahaa...

Norway Maxkamadda Oslo oo diiday Racfaan uu Mahad Abiib ku joogi lahaa Wadanka Norway.

0

Maxkamadda  Rafcaanka ee Borgarting ee ku taalla caasimadda dalkaasi ee Oslo waxay daaqadda ka tuurtay Rafcaan uu qaatay Mahad  Maxamuud, isla markaana Kansal-gareysay Muwaadinimadiisa Norway (The Norwegian citizenship).

Wargeyska Aftenposten ayaa qoray in Mahad Maxamud oo dalka Norway tegay sannadkii 2000 uu sheegtay inuu yahay Muwaadin Somali oo 14-jir ah, waxaana la siiyey  Deganaansho KMG.

Sannadkii 2008-dii waxaa la siiyey Dhalashadda ama Muwaadinimadda Norway, waxa uu bartay Cilmiga Biyoengineer, isagoo shaqo ka helay Isbitaalka Ullevål Hospital.

Sannadkii 2013-kii, Guddiga Rafcaanka Muhaajiriinta ee dalkaasi (UNE) waxay heleen Far-muuqis ku aadan inuusan Mahad Maxamuud ahayn khiyaanay Maamulayaasha dalka Norway,

Boliska waxay la xiriireen isaga, waxay  fureen baaritaanka Kiiskiisa, iyadoo 3 sanno kadib ay Guddiga Rafaanka Muhajairiinta ee dalkaasi u soo baxday inuu Mahad Maxamudu oo 29-jir ah uusan ka imaanin Somalia.

Waxa uu lumiyey Dhalashaddii Norway iyo shaqadiisa, isagoo aaday Maxkamad si uu u helo Go’aanka dib loogu eegay Kiiskiisa, balse, Maxkamadda Degmadda Oslo waxay go’aansatay sannadkii 2017-kii in Shahaadada Dhalashadda ee Mahad Maxamuud tahay mid la been abuuray, isla markaana markii uu iska dhiibayey Norway da’diidsu u dhexeysay 18 ilaa 20-jir.

Maxkamadda Degmadda Oslo waxay kaloo sheegtay in Mahad Maxamuud isaga iyo Qoyskiisa ka yimaadeen dalka Jabuuti oo aysan  ka imaanin Somalia.

Si kastaba ha ahaatee, Maxkamadda  Rafcaanka ee Borgarting  waxay  haatan xaqiijisay in ay laaleen Codsigiisa ku aadanaa inuu sii joogo dalka Norway,

Somaliska Oslo

Xigasho/norwaytoday

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here