Home News in English Banaan’baxyo looga soo horjeedo Isbadalka Cusub ee Sharciga LSS oo Sweden ka...

Banaan’baxyo looga soo horjeedo Isbadalka Cusub ee Sharciga LSS oo Sweden ka dhacay.

0

Shacabka Dalka Sweden ayaa sameeyay Banaan’baxyo ay kaga soo horjeedaan Qorshaha Cusub ee isbadalka loogu sameenayo Sharciga LSS ee caawiya Qofka aan lixaadkiisa u dhameen kadib markii dowlada ay dhawaan sameesay sahmin iyo baaritaan la xiriir arintaasi.

waxa isbadalka kamid ah in aan caawin la siinin Qofkii ka hooseeyo 16 sano jir caawintaasi oo loo yaqaano (personliga assistenter.) Lakin dowlada ayaa dooneysa in qaab kale loo caawiyo si halkaasi looga helo lacagta dhaqaalaha ee xiligan ku baxda.

Banaan’baxyada looga soo horjeedo Qorshahaasi ayaa Barlamaanka loogu baaqay in uusan aqbalin sharciga Cusub Bengt Eliason. Oo ka tirsan Xisbiga Liberalka ayaa sheegtay in ay rajeneyso in Sharcigaasi la joojiyo maadama uu leeyahay saameyn xoogan.

Kristina Nilsson. Oo ka tirsan Xisbiga socialdemokraten ayaa dhankeeda warbaahinta u sheegtay in marna raacidoonin wax dhibaato u keenaya Caruurta Dalka sweden ku nool.

Wal-walka dadka heesta ayaa ah in Caruurta ay weenayaan caawinaada ay Dowlada ka helaan xiligooda caadiga ama in ay hoos u dhacdo lacagta dhaqaalaha ee ku baxda lakin Gunilla Malmborg oo baaritaanka qeyb ka aheyd ayaa sheegtay in marna aan la jaridoonin qof walbo iyo lacagta dhaqaalaha uu helo.

Ku dhawaad 20,000 kun oo dad ah isla markana lixaadkooda uusan dhameyn ayaa caawin ka helaya Sharciga LSS oo xaquuq siinaya dadkaasi lakin dowlada ayaa aaminsan in lacag badan ay ku baxdo.

Somaliska Gotenborg

Xigasho/TT

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here