Home Wararka Maanta Xisbiga Moderatka oo Shir jaraa’id kaga Jawaabay Go’anka Xisbiga Centerpartiet iyo Mustaqbalka...

Xisbiga Moderatka oo Shir jaraa’id kaga Jawaabay Go’anka Xisbiga Centerpartiet iyo Mustaqbalka Alliansen.

0

Hoggaamiyaha xisbiga Moderaterna, Ulf Kristersson oo shir jaraa’id qabtay dhowaantan ayaa sheegay inuu ka xun yahay go’aanka ay ku dhawaaqday hoggaamiyaha xisbiga Centerpartiet isagoo ku tilmaamay in xisbigaasi uusan ixtiraamin isbaheysiga Alliansen.

Shir jaraa’id oo ay galabta qabatay hoggaamiyaha xisbiga Centerpartiet, Annie Lööf kadib kulan ay la yeelatay hoggaanka iyo xildhibaannada xisbiga iney ku talo bixin doonaan kulanka berito inuu xisbiga C Haa ugu codeeyo Stefan Löfven. Isagoona uu hoggaamiyaha xisbiga Moderaterna Ulf Kristersson ku sheegay inuu aad uga xun yahay go’aankaa.

-Waa go’aan aan u wanaagsanayn Sweden, sida uu sheegay. Kristersson oo hadalkiisii sii wata ayaa sheegay inuu xisbigiisu halkiisii ka sii wadi doono siyaasaddii uu u taagnaa ee garabka midig, sidii uu horey u ballan qaaday, isla markaana haddii uu go’aankaani hirgelo uu xisbigiisu gashan doono shaarka mucaaradka.

Kristersson ayaa sheegay in tallaabadani noqon doonto xabaashii garabkii midig ee Alliansen ee qarameed.

Somaliska Stockholm

Xigasho/radiosverige

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here