Home News in English War Hada Ah Xisbiyada Sweden oo ku heshiiyay in Luuqad lagu xiro...

War Hada Ah Xisbiyada Sweden oo ku heshiiyay in Luuqad lagu xiro Qaadashada Basaboorka Dalka.

0

waxaa goor dhow soo gabagaboobey kulan wadahadal uga socday faras magaalaha Stockholm xubno matalayey xisbiyada afarta ee S, MP, C iyo L.

Warbixin ay heshay laanta wararka Ekot ayaa sheegeysa iney hogaamiyeyaasha xisbiyada S, MP, C iyo L isku af-garteen qodobo ay ka mid yihiin in shuruud afka ah lagu soo rogo qaadashada dhalashada dalka iyo inaan la oggolaan iskuulo cusub ee diimeed.

Waxa mudadii ugu danbeysay socday wadahadalo xooggan oo ku saabsan ciddi ra’iisal wasaare ka noqon laheyd Sweden. Ulf Kristersson mise Stefan Löfven. Labada xisbi ee C iyo L ayaa wadahadalo is barbar socdo la lahaa Moderaterna iyo Socialdemokraterna.

Illo warar ayaa laanta wararka Ekot u sheegay inuu iminka jiro hindise is afgarasho siyaasadeed oo dhexmarta Socialdemokraterna, Miljöpartiet, Centerpartiet iyo Liberalerna.

Waxyaabaha ay afartan xisbi ku heshiiyeen waxa ka mida in la fuliyo balan qaad doorasho ee xisbiga L oo ahaa in shuruud afka lagu soo rogo qaadashada dhalashada.

Hogaanka afarta xisbi ee heshiiyey ayaa iminka u baahan iney dib ugu noqdaan xisbiyadooda si ay uga dhaadhiciyaan heshiiska, kadibna loo helo dowlad ay ka wada tirsan yihiin afartan xisbi.

Somaliska Stockhom

Xigasho/radiosverige

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here