Home Wararka Maanta Norway shirkadda telefoonada Huawei oo la kulmeysa Cunaqabateyn Cusub.

Norway shirkadda telefoonada Huawei oo la kulmeysa Cunaqabateyn Cusub.

0

Wasiirka cadaaaladda Tor Mikkel Wara (Frp) ayaa xaqiijiyey in Norway ka fiirsanayso in ay Huawei ka joojiyaan inay ka mid noqoto shirkadaha telefoonada jiilka xiga ee 5G.

– Norway waxay la wadaagaysaa USA iyo Ingiriiska walaaca ay ka qabaan shirkadaha gaarka loo leeyahay iyo kuwa dowladeed inay ku lug leeyihiin howlo basaasnimo ayuu yiri Wara oo u waramayey wakaaladda wararka Reuters.

Wuxuu sheegay in ay Norway ka fiirsanayso inay iska diido in shirkadda Shiinaha laga leeyahay Huawei ay ku yeelato dalkan adeegga 5G-nett ee waxa loogu yeero jiilka xigga ee internetka telefoonada. Shirkaddaha Telenor iyo Telia ayaa hadda isticmaala qalab ay leedahay Huawei oo loo isticmaalo adeegga 4G-nett waxayna hadda tijaabo ku wadaan adeegga kale ee cusub ee 5G oo ay shirkadani leedahay.

Dhawaan ayey ahayd markii uu qoray E24 in wasaaradda gaadiidku ay eegayso qaab cusub oo lagu dhimayo jilicsanaanta habka ekomnett ee dalkan Norway.

Shirkadaha bixiya adeegga ekomnett ee dalkan ayaa waxaa ka mid ah Ericsson Sweden, Nokia Finland iyo Huawei. Waxayna Huawei tahay tan keliya ee ka baxsan siyaasadda nabadgelyada Norway.

Somaliska Oslo

Xigasho/nettavisen

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here