Home Wararka Maanta Ulf Kristersson oo Xaqiijiyay Wada-hadal u socda Xisbiyada garabka Alliansen.

Ulf Kristersson oo Xaqiijiyay Wada-hadal u socda Xisbiyada garabka Alliansen.

0

Hogaamiyaha xisbiga moderatke ayaa ka hadlay wada-hadal u socda xisbiyada ka socda isbaheysiga Alliansen kuwaasi oo isku khilaafsanaa dowlada cusub ee hogaamineysa Sweden iyo cida hogaanka u qaban karta iyadoo khilaafka xoogiisa uu ka dhashay in xisbiga SD uu qeyb ka noqdo dowlada cusub ama siyaasada uu ku lugyeesho.

– Waxaan xaqiijin karaa iney wadahadallo la isku qalbi furan yahay u socdaan xisbiyada garabka Alliansen Halkooda ayeyna ka sii socon doonaan, sida uu sheegay hogaamiyaha xisbiga Moderaterna Ulf Kristersson kadib kulan nusa saaca qaatay oo uu la yeeshay afhayeenka baarlamanka Sweden.

-Weli waxaan musharrax u ahay xilka madaxa dawladda haddii la ii cilaamiyo oo la ii doorto, sida uu sheegay. Isagoona intaa raaciyay iney wadahadalladu ku saabsanaayeen dhabbooyinka siyaasadda iyo sidii loo maareeyn lahaa xisbiga Sverigedemokraterna, ama xaaladda baarlamanku ku sugan yahay, sida uu hadalka u yiri.

-Waxaan diyaar u ahay inaan dhiso dawlad garabka midig. Waan u taagnahay jagadaa, go’aankase xisbiyada kale ayaa leh, sida uu sheegay hoggaamiyaha xisbiga Moderaterna, Ulf Kristersson.

Somaliska Stockhom

Xigasho/radio Sverige

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here