Home Wararka Maanta Sweden Qof dhintay ilmo-galeenkiisa oo Qof kale lagu Abuurayo markii ugu horeesay.

Sweden Qof dhintay ilmo-galeenkiisa oo Qof kale lagu Abuurayo markii ugu horeesay.

0

Qalliin xubin talaalid ee uu sameeyo mashiinka roobotka ayaa ah cilmi baaristii ugu dambeeysay ee jir ku talaalidda xubinta ilmogaleenka. Iyadoona ilmihii ugu horreeyay ee habkaa ku dhasha la sugeyo xilliga guga ee foodda innagu soo haya.

Dhanka kale waxaa guga foodda innagu soo haya la qorsheeyneyaa in qof lagu abuuro xubinta ilmo galeen laga soo saaray qof dhintay.

Wax lala yaabo ayay ahayd in sannadkii 2014 markii ugu horreeysay caalamka ay haweenay ka soo jeedda nawaaxiga magaalada Göteborg ay wiil ku dhashay ilmo galeen loo yabhoohay. Illaa hadda waxaa caalamka ku dhashay 13 ilmood oo hooyooyinkood lagu talaaley ilmo galeen, iyada oo siddeed ka mid ahina ku dhasheen Sweden.

Hase yeeshee qalliimmadii ugu dambeeyay lagu sameeyey mashiinka robootka oo gabadhii ugu horreeysay ay iminka uur leedahay.

– Qalliimmada lagu fuliyo oogada oo la dalooliyo ayey khatartoodu ka yar tahay, la socodkooduna ka wanaagsan yahay, gaar ahaan qalliinka dabadii, sida uu sheegay Mats Brännström, ahna caalin ku takhasusay culuunta uurka iyo cudurrada dumarka, kana howlgala akadeemiyada Sahlgrenska.

Xubin yaboohe geeriyooday

Illaa iyo hadda waxaa nidaamkan cusub lagu sameeyey lix qalliin, middaasina oo sababeeysa inuu bukaan socodku muddo ka yar intii hore uga soo bogsoodo qalliinka 10-ka saacadood qaadanaya.

Mats Brännström ayaa rajeeynaya inay tallaabadni suurtageliso mustaqbalka iney haween inta maanta ka badan ey ku dhiiradaan iney yaboohaan xubintooda ilmo galeenka. Halka dhanka kale dhowaantan la sugeyo xubin yaboohii ugu horreeyay ee ilmo galeenka uu yaboohay qof geeriyooday.

Gabagabadii 2017 ayaa markii ugu horreeysay ey ku dhasheen magaalada Sao Paulo ee dalka Baraasiiliya habkan ilmo iyadoona guga la fileyo in qalliin naacani ah laga hirgeliyo magaalada Göteborg.

Haween ku dhasha ilmo galeen la’aan

Dadyoowga la fileyo in qalliinka noocaniya wax looga qabto ayaa ah hablo ku dhashay ilmo galeen la’aan, ama qaar sababo kala duwan aawadood looga saarey.
– Ma doonayo inaan qalliinkan u arko xubin yabooh hase yeeshee wuxuu iila muuqdaa mid wax looga qabanayo ilmo la’aanta ama taranka.

Somaliska Stockholm

Xigasho/radiosverige

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here