Home Wararka Maanta Uppsala 20 sano jir lagu Xukumay 9 sano Xabsi ah iyo Lacag...

Uppsala 20 sano jir lagu Xukumay 9 sano Xabsi ah iyo Lacag bixin.

0

Maxkamada Degmada Uppsala ayaa 9 sano oo xabsi ah ku xukuntay 20 sano jir lagu eedeeyay dil will 17 sano ah oo mindi lagu dilay Xagaagii lasoo dhaafay Maxkamada ayaa dhanka kale wiilkaasi ku amartay bixinta Lacag dhibaatadii ku dhacday Qoyska iyo wiilkaasi walaashiis.

Weerarka ayaa ka dhacay Goob lagu ciyaaro oo iskuuka banaankiisa ah bishii Aguest ee sanadkii hore kadib markii uu muran xoogan dhexmaray labada wiil ee dhalinyarada ah go.anka Maxkamada ayuu kasoo horjeestay isagoo dafiray dilka hase yeeshee waxaa la horkeenay dhoor marqaati oo goobjoog u ahaa dhibaatada sida uu sheegay joornalka Upsala.

Dilalka ay isku geestaan dhalinyarada ayaa ku badan sweden kaasi oo salka ku haya khilaaf dhalinyarada dhexdooda ah oo sababa dilal qarsoodi ah.

Somaliska Stockholm

Xigasho/aftonpladet

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here