Home Wararka Maanta Sweden Xisbiga Moderate-ka oo bilaabay Wada-hadal uusan ku jirin Xisbiga SD.

Sweden Xisbiga Moderate-ka oo bilaabay Wada-hadal uusan ku jirin Xisbiga SD.

0

Xisbiga Modertarka-ka ayaa bilaabay wada-hadal Cusub oo salka ku haya in Dowlada cusub uu hogaaminayo uu ka saaro Xisbiga Cunsuriga ee SD isagoo wada-hadalka la galaya labada xisbi ee kala ah Centerpartiet iyo Liberalerna Waana markii ugu horeesay oo xisbiga M uu tilaabo feecan u qaado siyaasada Dowlada isla markana Barlamaanka uu codka u siiyo.

Wakaalada Wararka Dowlada ee Ekot ayaa heshay xog ku aadan in Hogaamiyaha Xisbiga uu isku dayidoono tilaabadaasi isagoo meesha ka saarayo Xisbiga SD waxa uu dhanka kale Ulf Kristersson sheegay in uu noqonayo Raisal wasaaraha Sweden isagoo wada-hadal la bilaabidoonin Xisbiga Sverigedemokraterna oo siyaasad ahaan kasoo horjeeda labad xisbi ee kala ah L iyo C.

Wada-hadalka cusub waxaa kamid ah in L iyo C loogu sameen lahaa balan qaaad ku aadan in Xisbiga SD uusan ku lug lahaan Arimaha siyaasada Sidoo kale Ekot ayaa ku warameysa in hogaamiyaha Xisbiga uu ka shaqeenayo sidii loo hormarin lahaa qaabka ugu wanaagsan ee Xisbiyada Alliansen isku aamini karaan.

labada xisbi ee Centerpartiet iyo Liberalerna ayaa sameenaya kulamo badan oo dhexdooda ah si go.an u gaaraan iyagoo kadib la kulmaya Gudoomiyaha Barlamaanka si ay uga hadlaan doorashada la filayo in ay dhacdo isbuuca danbe.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here