Home News in English Norway oo soo bandhigtay Tirada Qaxootiga isdhiibay Sanadkii hore oo Somalida aan...

Norway oo soo bandhigtay Tirada Qaxootiga isdhiibay Sanadkii hore oo Somalida aan ku jirin.

0

Laanta Socdaalka dalka Norway ee UDI ayaa soo bandhigtay tirada guud ee qaxootiga iska dhiigay dalka Norway kuwaasi oo hoos uga dhacay tirada sanadihii ugu danbeeyay ee iska dhiibay dalka waana markii ugu horeesay oo tirada Qaxootiga ay sidaasi hoos ugu dhacdo tan iyo sagaashamaadkii.

tirada qaxootiga sanadkii hore ee 2018 iska dhiibay dalka Norway ayaa lagu sheegay  2,654 kun oo Qaxooti ah waxana tiro ahaan u dhow dahay sanadihii hore oo tiro intaasi u dhow ay dalka iska dhiibeen sida 2016,  3,460 iyo sanadkii 2017 oo 3,560 kun isdhiibeen,

Dalka Somaliya ayaana kasoo muuqan Sadaxda wadan ee ugu badan qaxootiga dalka iska dhiibay marka loo eego Somalida dalka ku nool oo ah dadka ugu badan Wadanka Turkiga ayaa noqday wadanka ugu horeeya Suuriya ayaa kaalinta labaad ku xigta iyadoo wadamada u kala horeeyaan sidan (765), Syria (419), Eritrea (241), Iran (119) iyo Iraq (104) lakin somaliya kuma jirto.

1,480 kun oo kamid ah Tirada qaxootiga is dhiibay norway ayaa helay sharciga dalka 790 kamid ah ayaa noqday da.da ka hooseesa 18 sano jirka kuwaasi oo waalidkooda la socda halka 159 kale ay kalinimo wadanka ku soo gaareen.

UDI iyo Somaliska Sharaxaad Kooban

1 Norway Waxaa soo gaaray 2,654 kun oo qaxooti ah 2018

2 UDI ayaa qabatay 399 oo codsi oo ku aadan dhalinyaro kaligood socod Dalka ku soo gaaray.

3 Qaxootiga ugu badan ee soo gaaray dalka ayaa kala ah Turkey (765), Syria (419), Eritrea (241), Iran (119) iyo Iraq (104).

4 1,480 kamid ah Qaxootiga isdhiibay ayaa helay sharciga daganaanshaha sanadkii 2018.

tan iyo sanadkii 2015 wixii ka danbeeyay waxaa sii xumaaneysa xaalada somalida ku nool norway iyadoo taasi ay keentay in dadka qaar ee wadanka ku sugan laga ceshto sharcigooda halka kuwa kale la baaray ciwaanada ay ku leeyihiin baraha bulshada si loo ogaado halka uu kasoo jeedo.

Somaliska Oslo

Xaquuqda Qoraalka Somaliska.com

Xigasho/Norway today

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here