Home Wararka Maanta Xisbiga Liberalerna oo isku Khilaafsan Xisbiga Hogaamindoona Dowlada Sweden.

Xisbiga Liberalerna oo isku Khilaafsan Xisbiga Hogaamindoona Dowlada Sweden.

0

Af hayeenka siyaasadda difaaca ee xisbiga Liberalerna Allan Widman ayaa aaminsan xisbiga Moderaterna iyo in aannu la shaqeeyn doonin xisbiga Sverigedemokraterna.

– Waxaan u fahmayaa Ulf Kristersson inuu i qanciyay kolka uu leeyahay in aanu marnaba wadahadal la geli doonin xisbiga Sverigedemokaterna, isla markaana haddii uu xisbiga SD ka hor yimaado miisaaniyaddooda oo uu la codeeyo xisbiga Socialdemokraterna uu xukunka ka degi doono, sida uu sheegay Widman.

– Waan aaminaayaa ereyadaa. Wuxuu u muuqdaa qof la aamini karo, kolka arrimmahaa laga hadleyo.

Miyaan laga yaabin inuu xisbiga M siyaasaddiisa socdaalka la mid dhigo midda SD?

– Sawirka aan ka qabaa waxay tahay iney xisbiyada S iyo M ey wax badan isaga mid yihiin kolka laga hadleyo siyaasadda socdaalka, waxayna iila muuqataa inay labadaa xisbi go’aan mustaqbalka dheer ka gaari doonaan siyaasadda socdaalka, sida uu sheegay Allan Widman.

Dhanka kale Cecilia Wikström oo ah xubin baarlamanka EU u fadhida xisbiga Liberalerna ayaa u aragta in loo baahan yahay inuu xisbigu qayb ka noqdo dawllad ey soo dhiseen xisbiyada dhexe. Waa saameeynta iyo masuuliyadda ugu ballaaran ee xisbigu yeelan karo. Waxaa wanaagsan in qayb laga noqdo oo saameeyn lagu yeesho, halkii dibadda laga taagnaan lahaa dawladda, sida ay sheegtay Wikströn.

Somaliska Stockholm

Xigasho/ radio sverige

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here