Home Wararka Maanta Sweden Dadka ugu badan oo u codeeyay in Doorashada dib loogu laabto.

Sweden Dadka ugu badan oo u codeeyay in Doorashada dib loogu laabto.

0

Mudo afar bilood ayay ku dhowdahay markii dalka sweden ay ka dhacday doorasho ay ku tartameen wixii markaasi ka danbeeyay ma jirto dowlad ay isku raaceen xisbiyada ka dhisan dalka waxana arintaasi xog uruurin looga sameeyay bulshada dhexdeeda waxana xog aruurinta sameeyay joornalka Expressen.

dadka uggu badan ee ka qeybta qaatay sahanka uu sameeyay joornalka Expressen ayaa u codeeyay in dib loogu laabto doorashada sweden waxana kala bar dadkaasi ay isku raaceen hal cod oo ah in dib loogu laabto doorashada iyagoo sabab uga dhigay in ay ku daaleen xisbiyada oo aan wali isku raaceen dowlad cusub.

isbuucan aan ku jirno ayaa ah mid muhiim ah madama xisbiyada laga doonayo in ay isku raacaan dowlad cusub si barlamaanka uu codka kalsoonida ugu qaado isbuuca danbe cida noqoneyso raisal wasaaraha sweden hadii heshiiskaasi uu dhici waayo waxay u muuqataa in dib loogu laabanayo doorasho cusub.

xaalada sweden ayaa sii adkaan karta hadii dib loogu laabto doorashada madama ay saameyn ku yeelanayo hanaanka dowlada oo dib u dhici kara sida hada muuqato oo kale.

Somaliska Stockholm

Xigasho/Expressen

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here