Home News in English Baaritaan iyo isbadalka lagu sameenayo Sharciga Dadka aan Lixaadka laheen ee LSS.

Baaritaan iyo isbadalka lagu sameenayo Sharciga Dadka aan Lixaadka laheen ee LSS.

0

Dad badan oo sweden ku nool ayaa wal wal xoogan waxay ka qabaan sharciga LSS kaasi oo caawiya isla markana xaquuq siiya dadka aan lixaadka laheen ee ku nool wadanka sweden wal-walka ayaa yimid kadib markii dowlada ay sheegtay in isbadal ku sameeneyso sharciga.

Dowlada ayaa soo gaba-gabeeneyso 10 bishan baritaan lagu sameenayo sharciga LSS waxana baaritaanka kamid ah qaabka dadka loo caawiyo in isbadal lagu sameeyo si dowlada ay lacag badan kaga save gareyso halkaasi.

Qodobada dowlada ay isbadalka ku sameeneyso waxaa kamid ah in qofka ka yar 16 sano jir aan lasiinin caawinaad shaqsi ah ( personlig assistent) lakin loo caawiyo qaab kale oo ka duwan sida hada.

hindisa kale oo dowlada soo jeedisay ayaa dhigaya qofka u baahan caawinaad xiliga firaaqada ee jimicsiga ama dukaameysiga. uu xaq u leeyahay 15 daqiiqo isbuucii oo kaliya.

Johanna Gustafsson oo ka tirsan dadka u baahan caawinta ayaa sheegtay in ay aad uga wal-walsantahay sharciga oo sameyn ku yeelan kara nolosheeda madama ay tahay qof dhaawac ah oo u baahan caawinaad xoogan.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here