Home Wararka Maanta Doorashada Raisal Wasaaraha Sweden oo Mareysa Isbuucyadii u danbeesay ee Barlamaanka.

Doorashada Raisal Wasaaraha Sweden oo Mareysa Isbuucyadii u danbeesay ee Barlamaanka.

0

Toddobaadkan inta lagu guda jiro ayaa la rajeeyneyaa ama la fileyaa iney xisbiyadu heshiis kaga gaaraan ciddii doorashada loo igman lahaa kursiga hoggaanka dalka.

Waxaa iminka loo baahan yahay in si dhab ah ey xisbiyadu isugu soo dhowaadaan oo isugu tanaasulaan, sida ey aaminsan yihiin culimada culuunta siyaasadda dawladda. Hase yeeshee haddii lagu guuldarreeysto middaa waxaa dhici kari doonta iney garoonka ka bilowdaan ciyaaro aan horey loo cayimin wareegga afaraad ee codeeynta baarlamanka.

– Toddobaadkan ayaa u muuqda midkii lagu kala bixi lahaa oo la cayimi doono wareeggii saddexaad iyo cidda ey xildhibaannadu u codeeyn doonaan, waxaa la gaaray xilligii si dhab ah la isugu tanaasuli lahaa, maadaama uu wareegga ama codeeynta afaraad ee ugu dambeeyaa la mid yahay iyada oo tiirkii dilka la taagan yahay.
Xisbi ama xisbiyada qaarkood waa iney ka tanaasulaan shuruudahooda, haddii kale suurtageli meeyso in wax lagu heshiiyo, , sida ay sheegtay Marie Demker, ahna caalimad ka howlgasha jaamicadda Göteborg, lanteeda culuunta siyaasadda.

War cad oo la helo

Illaa iyo hadda waxaa yar akhbaarta dhabta ah ee laga ogsoon yahay wada xaajoodkii xisbiyada, intii lagu guda jirey fasaxyada, waana mid astaan u noqon karta iney wadahadalladu mareyaan meelo xasaasi ah, sida uu isaguna qabo caalinka Jonas Hinnfors, oo ku takhasusay culuunta siyaasadda dawladda, isla markaana ka howlgala jaamicadda Göteborg.

– Waxay noqon kartaa sababta aan war cad oo xaqiiq ah looga heyn, hase yeeshee ay xog ka soo bixi karto saacad walba.

Garabkii Alliansen

Su’aasha la xiriirta iney xisbiyada Centern iyo Liberalerna dib ula shaqqeeyaan hoggaamiyaha xisbiga Moderaterna Ulf Kristersson ayaa dib u soo laalaabatay toddobaadyadii ugu dambeeyey. Hase yeeshee aannu caalinka Tommy Möller, oo ka howlgala jaamicadda Stockholm aaminsanayn inay tahay wax dhici kara, middaasina oo uu sabab uga dhigey in diidmaddii hore ee Kristersson la xiriirtay iney ku diideen mabda’. Waana mid adag sidii ey uga noqon lahaayeen tallaabadaa, sida uu sheegay.

Cid walba way is bedeli kartaa

Waxaa sidoo kale fikirka Möller qaba caalinka Jonas Hinnfors iyo in aanay suurtagal ahayn iney xisbiyada C iyo L doortaan iney dib ugu soo laabtaan wada shaqeeyntii garabka midig ee Alliansen, balse ey wax waliba suurtagal noqon karaan sida middii ka dhacday dalka Jarmalka oo xisbiga Socialdemokraterna doorasadii 2017 marar badan ku celceliyay in aannu dawlad la dhisi doonin aakhirkii isbedel uu ku dhacay, isla markaana dawlad la dhistey xisbiga Kristdemokraterna.

Hinnfors, Demker iyo Möller, ayaa dhammaan u jaleeca inuu Löfven noqon doono cidda uu afhayeenka baarlamanku u soo xuli doono codeeynta saddexaad ee xubnaha baarlamanka si loo abuuro dawlad ka kooban afarta xisbi ee S, MP, C iyo L oo aan ku tiirsanayn xisbiga SD. Waana shuruud ey qabaan xisbiyada C iyo L.

Codeeynta afaraad

Haddii ay dhacdo in codeeynta saddexaad lagu guuleeysan waayo in dawlad la soo dhiso oo loo gudbo midrka afaraad ee ugu dambeeysa waxaa suurtagal ah in la soo bandhigo ciyaar aan horey loo hadal heyn. Si haddaba looga baaqdo doorasho hor leh oo loo dareero inay dhisanto dawlad ey ku mideeysan yihiin xisbiyada S iyo M, sida uu wax u falanqeeynayo caalinka Tommy Möller. Dawladdaasina oo noqon lahayd mid leh saldhig adag oo wax looga qaban kari lahaa howlaha dalka hor yaala, isla markaana looga maarmi lahaa doorasho hor leh, sida uu hadalka u dhigay.

– Fikirka noocan ah waxaa ka hor imanaya iney labadan xisbi mabaadii ahaan iska soo horjeedaan iyo inuu tallaabo noocaasiyi ku dheefi lahaa xisbiga SD. Hase yeeshee xaaladda jahwareer ee bulshadu ku sugan tahay waxaa dhici karta in loo arko masuuliyad dusha loo ritay oo lagu taageero. Dawlad noocani ah waxaa sidoo kale u suurtagal noqon lahayd inay isbedello ballaaran dalka ka sameeyso, hase yeeshee aan weli halkaa la gaarin, sida uu hadalka u dhigay.

Jadwalka

10 jannaayo: Afhayeenka ayaa xarunta baarlamanka kula kulmi doona Stefan Löfven iyo Ulf Kristersson.

14 jannaayoi: afhayeenka ayaa mid, mid ula kulmi doona hoggaamiyeyaasha xisbiyada oo markaa dabadeed soo bandhigi doona musharaxa u taagan hoggaanka xukuumadda la fileyo.

16 jannaayo: Xubnaha xildhibaannada ayaa u codeeyn doona musharaxa. Dooddii xisbiyada ee maalintaa loo qooneedyey iney baarlamanka ka dhacdo ayaa loo wareejiyey 30-ka bisha jannaayo.

Haddii aan codeeynta saddexaad lagu guuleeysan in hoggaamiye la soo doorto, waxaa loo ballaansan yahay in la qabto codeeyntii afaraad, ahna codeeyntii ugu dambeeysay 23-ka bisha jannaayo. Iyadoona musharaxa la soo bandhigi doono 21-ka bisha jannaayo.
Haddii markaa uu baarlamanku ku guuldarreeysto inuu marka afaraad uu ku soo bixi waayo musharrax, waxaa la cayimi doonaa doorasho hor leh oo loo dareero. Doorashadaasina waa muddo saddex bilood gudahood ah, waxayna ku beegan tahay 21-ka bisha abriil oo ah maalin axad, maadaama doorashooyinka dalkan la qabto axadaha.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here