Home News in English Norway oo Sharciga Rasmiga siineysa Dhalinyarada heesta Sharciga kumeel gaarka.

Norway oo Sharciga Rasmiga siineysa Dhalinyarada heesta Sharciga kumeel gaarka.

0

Sida uu qoray website-ka hay.ada soo galootiga u qaabilsan Dalka Norway ee UDI waxaa dib u eegis lagu sameeyay dhalinyarada ku sugan dalka norway ee heesta sharciga kumeel gaarka kaasi oo salka ku haya dhalinyarada wadanka iska dhiibay iyagoo ka hooseeya 18 sano jirada ee heesta sharcigaasi ku meel gaarka oo dhaqan galay sanadkii 2016 oo qaxooti badan dalkaasi iska dhiibeen.

bixinta sharciga rasmiga ee ku aadan dhalinyarada kaligood socodka ayaa yimid kadib markii Barlamaanka Norway uu Hay.ada UDI uu ka codsaday in qiimeyn lagu sameeyo dhalinyarada heesta sharciga ku meel gaarka sida xaalada wadankooda si hadii dhibaato uga jirto loo siiyo sharciga rasmiga.

codsiga Barlamaanka kadib waxaa durba sharcigaasi helay 103 kamid ah 399 dhalinyaro oo codsatay sharciga rasmiga ee Dalka Norway lakin waxaa diidmo la siiyay 262 dhalinyaro oo lagu heesto in aysan buuxin sharuudaha lagu heli karo sharciga rasmiga ee kasoo baxay Barlamaanka waxana wali kiiskooda go.an laga gaarin 34 kuwaasi oo sugaya jawaabaha go.ankooda.

Sanadkii 2016 ayay aheyd markii dalka norway uu soo saaray sharci dhigaya in dhalinyarada kaligood socodka wadanka ku soo gaaray in la siiyo sharci ku meel gaar ah ilaa ay ka gaaraan 18 sano jir si dalkooda dib loogu celiyo marka uu nabad noqdo xiligaasi lakin arintaasi ayaa khilaaf ka dhalisay xisbiyada norway oo ku kala aragti duwanaaday.

Somaliska Oslo

Xigasho/UDI

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here