Home News in English Migrationsverket Tirada Qaxootiga iska dhiibay Sweden Sanadkii hore iyo isbadalo la filayo.

Migrationsverket Tirada Qaxootiga iska dhiibay Sweden Sanadkii hore iyo isbadalo la filayo.

0

Laanta socdaalka sweden ee Migrationverket ayaa soo saartay tirada qaxootiga iska dhiibay dalka sweden sanadkii hore ee 2018 kuwaasi oo dalbaday in ay dalka sweden Qaxooti ahaan ku joogaan Hase yeeshee tiradaasi ayaa gaartay tiro lamid ah 10 sano kahor Qaxootiga dalka iska dhiibay.

ku dhawaad 21,000 kun oo qaxooti ah ayaa is dhiibay sanadka 2018 lakin sanadkii 2015 waxaa dalka iska dhiibay 160,000 kun oo qaxooti ah tirada ayaana hoos u dhaceysay sanadba sanadka ka danbeeyo iyadoo arintaasi sabab u noqotay sharciyada dalka sweden oo laga adkeeyay sidii hore.

Arimaha sida aadka ah saameynta ugu yeeshay Qaxootiga sweden waxaa kamid ah Koontaroolka laga bilaabay xadka uu wadanka sweden la wadaago wadamada yurub iyo heshiiska ay gaareen Midowga Yurub iyo Wadanka Turkiga taasi oo looga hortagay qaxootiga Turkiga kasoo baxayay ee yurub soo galayay.

Maanta Qofka sagayo Jawaabka go.ankiisa waxay ku qaadataa mudo 30 maalmood oo kaliya hase yeeshee sanadkii 2015 dadka badankooda jawaabta waxay ku qaadatay mudo 1 sano iyo ka badan kadib qaxootiga dalka oo aad u tiro badnaa sida ay sheegtay hay.ada laanta socdaalka sweden ee Migrationsverket-ka.

Sugista jawaabaha go.anka sharci bixinta ayaa markale dib u dheeraan kara kadib markii dowlada ay dhoor bilyan ka jartay sanadkan lacagta loogu tala galay qeybta socdaalka sida uu sheegay Fredrik Bengtsson oo ka tirsan laanta socdaalka ee Migrationsverket-ka.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here