Home Wararka Maanta Warar dheeraad ah Doorashada Sweden oo dib loogu laaban karo Markale.

Warar dheeraad ah Doorashada Sweden oo dib loogu laaban karo Markale.

0

Doorashada sweden ayaa markale taagan xaalad adag kadib markii laga soo laabtay fasaxyada dalka oo mudo dhoor isbuuc ah lagu maqnaan waxana kulankii ugu horeeyay ee xaalada siyaasada dalka sharaxaad kaga bixiyay afayeenka barlamaanka sweden oo sidoo kale ka hadlay halka ay wax u marayaan xisbiyada waaweyn ee loo badaniyo dowlada cusub.

Afayeenka Barlamaanka Sweden Andreas Norlén ayaa sheegay in uu la hadlay labada gudoomiye ee Xisbiyada S iyo M kuwaasi oo hada loo badinayo hogaaminta Dowlada Cusub oo mudo dhoor isbuuc ay ka hartay waqtiga loogu tala galay xiriirka ayaa ku aadan sidii 10 bisha janaayo ay u yeelan karaan xiriir kale oo looga dhageysanayo warbixin halka ay wax u marayaan.

isla taarkiikhda marka ay tahay 14 bisha janaayo ayuu Afayeenka Barlamaanka la kulmidoonaa Xisbiyada oo dhan isagoo kala hadlaya cida ku haboon doorashada cusub ee barlamaanka la horgeenayo.

ugu danbeyn 16 bisha ayaa toos barlamaanka loo horgeenayaa hogaaminaya noqon kara Raisal wasaaraha Sweden sida uu sheegay Afayeenka Barlamanka oo ka hadlay xaalada guud ee siyaasada dalka halka ay mareyso iyadoo laga cabsi qabo in doorashada sweden dib loogu laabto.

Somaliska Stockholm

Xigasho/TT

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here