Home Wararka Maanta Lacagta Kaalmada Caruurta ee (barnbidrag) oo laga joojin karo Qoysaska qaar.

Lacagta Kaalmada Caruurta ee (barnbidrag) oo laga joojin karo Qoysaska qaar.

0

Siyaasiyiin ka tirsan xisbiyo kala duwan ayaa soo hadal qaaday in isbedel lagu sammeeyo hanaanka lagu bixiyo lacagta kaalmada caruurta ee la yiraahdo barnbidrag iyadoo xisbiyada badankooda ay isku raaceen fakar ahaan.

Lacagta kaalmada caruurta oo maanta ah 1 250 karoon halkii cunug, bishii ayaa la wada siiyaa dhammaan qoysaska leh caruurta da’doodu tahay illaa iyo 16 jir. Qoyskii leh labo caruur ama ka badan, waxaa intaa u raaca lacag dheeri ah oo hadba sii badata oo ku xiran hadba tirada caruurta inta ay la ek yihiin.

Jan Ericson oo ka tirsan xisbiga Moderat-ka ayaa soo jeediyay mooshin suuragal ka dhigaya in la xadeeyo lacagta barnbidrag isaga oo qoray sidatan.

“Cidii dhaleysa caruur tiro badan waa in ay qudheeda hubsataa xaalada dhaqaale ee ay ku caawinayaan reerkooda”,
Xildhibaanka ayaa intaasi ku sii daray oo yiri haddii qofka uu heysto caruur fara badan, wuxuu helayaa lacag aad u fara badan iyada oo sidoo kale lacagta la siiyo tirada caruurta ay jirto.

Waxay ahayd sanadkii 1948 kolkii Sweden ay bilowday bixinta lacagta kaalmada caruurta iyada oo ujeedada tahay in lagu hagaajiyo xaaladda dhaqaalaha ee heerka nolosha qoysaska caruurta leh.

Hase yeeshee sanado badan ayaa hadba waxaa soo muuqanayay dood siyaasadeed oo ku qotonta hanaanka lacagta kaalmada caruurta, waxaa imminka jira dhowr xildhibaan oo ka kala tirsan xisbiyo kala duwan oo ka hadlaya arrinkan.

Magnus Ek, waa hoggaamiyaha garabka dhallinyarada ee xisbiga centerpartiet ayaa rumeysan in ay qalad tahay in lacagta kaalmada la siiyo dhammaan qoysaska iyada oo aan la eegeynin dhaqaalaha soo gala waalidiinta wuxuuna soo jeediyay in baaritaan lagu sammeeyo baahida loo qabo kaalmada.

– Waxay ila tahay in ay tahay feker xun in la bixiyo kaalmo guud oo xitaa la siiyo dad laga yaabo in aysan u baahneen sidoo kale waxaa jirta baahi ah in ahmiyad loo yeelo dhaqaalah dowlada si adeega daryeelka uu u noqdo mid wada gaara dhammaan dadka ku nool wadanka, ayuu yiri Magnus Ek oo ka tirsan xisbiga centerpartiet kuna jira baarlamanka Sweden.

Joar Forssell, oo isana ah hoggaanka garabka dhallinyarada ee xisbiga Liberal ka ayaa isana wada hindisahan la doonayo in wax lagaga bedelo qaabka lagu bixiyo lacagta kaalmada ubadka ee barnbidrag, isaga oo ay la tahay in baartiaan baahi la sammeeyo.

Xildhibaanka ayaa u arka in maanta heerka nolosha ee qoysaska Sweden ay wanaagsan tahay sidaasi daraadeed lacagta canshuurta loo weeciyo meelaha kale ee ay wax ka tari karto.

– Markii lacag la siiyo dad aan u baahneen, waxaa dhaceysa in lacagtaasi aado keydsi iyo maalgashi waxaana sidaasi ku sii kala fogaanya farqiga halka la xaqiijin lahaa in dhammaan caruurta ay helaan fursado isku mid ah, ayuu yiri Joar Forsell.

Hoggaamiyaha xisbiga bidixda Jonas Sjöstedt ayaa rumeysan aragti ah in aan loo baahneen in baartiaan baahi lagu sammeeyo lacagta kaalmada caruurta isaga oo sheegay mar haddii ay dhacdo in dadka qaar laga celiyo kaalmada, waxaa xigi doonto in tiro kale oo dheeri ah sidoo kale laga joojiyo oo ay lacagtu noqoto sadaqo.

Somaliska Stockholm

Xigasho/radio sverige

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here