Home Wararka Maanta Guryo badan oo wali koronta la.an ah kadib Danbeylihii dhacay Talaadadii.

Guryo badan oo wali koronta la.an ah kadib Danbeylihii dhacay Talaadadii.

0

dabeylihii dhacay talaadadii lasoo dhaafay ayaa keentay in saameyn xoogan uu ka dhasho dabeylahaasi oo lagu magacaabo Alfrida kuwaasi oo sidoo kale sababay in geedo badan dhulka ku soo dhacaan halka kuwa kale ay jareen korontada magaalooyinka qaar iyo wadooyinka ay maraan tareenada.

ku dhawaad 38,000 oo guryo ah ayaa wali koronta la.an ah tan iyo markii ay dhacday dabeysha waxana badankooda ku adag isticmaalka taleefanka caadiga ah iyo adeega kale.

Gobolka Gotland ayaa hada helay korontada caadiga hase yeeshee waxay dhibaato ka heesataa isticmaalka taleefanka kaasi oo aan si caadi ah u shaqeeneenin Åsa Sköld oo ka tirsan qeybta adeega deg dega ayaa sheegay in aysan balanqaadi karin wicitaanka adeega deg deg ah.

Somaliska Stockholm

Xigasho/TT

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here