Home Wararka Maanta Dabeylo xoogan oo xalay laga dareemay qeybo kamid ah Gobolada Dalka Sweden.

Dabeylo xoogan oo xalay laga dareemay qeybo kamid ah Gobolada Dalka Sweden.

0

Duufaan loogu magac daray Alfrida, ayaa xalay ilaa iyo saakay ka babaneysa qeybo badan oo ka mid ah dalka Sweden gaar ahaan bariga gobollada Svealand, iyada oo dabeyshani ay koronto la’aan ka dhigtay ilaa iyo 100,000 oo guri.

Gobolada kala ah Västra Götaland, Värmland, Örebro, Östergötland, Västmanland, Dalarna, Södermanland, Uppsala iyo Stockholm ayay ka jirtaa duufaantan iyada oo xaaladda tan ugu daran ay ka jirto xeebta gobolka Uppland.

Maria oo ka mid ah dadka ku nool xaafadda  Flemingsberg ee Stockholm ayaa ka hadashay sida dabeylaha xoogga badan ay reerkeeda u saameyeen xalay.

– Xalay oo dhan ayay dabeysha dhaceysay, daaqada guriga waa ay ruxmeysay gabadheyda waxaa ku adkaatay in ay hurudo,  ayay tiri Maria oo la hadashay idaacadda P4 qeybteeda Stockholm.

Maria ayaa sheegtay in dabeylaha ay tuurayaan qashin ayna ku dhowyihiin in dadka ay ridaan oo ay ku tuuraan waddooyinka iyada oo sheegtay in ciribta dhulka lagu hayo si aysan dabeysha u qaadin.

Duufaantan ayaa saameysay qeybo badan oo dalka ah waxaana sii kordhaya guryaha ay korontada ka go’day gaar ahaan gobolada Stockholms län, Uppsala iyo  Gotland.

Mikael Petrovic oo ah shaqsiga saxaafadda u qaabilsan shirkadda korontada ee Vattenfall ayaa sheegay in ay isku dayeen in meelaha qaar ay soo celiyaan korontada balse aysan ku filneen isaga oo xusay in ay halis tahay in shaqaalaha loo diro meelaha ay dabeysha soo rideyso geedaha.

Dhanka hay’adda gaadiidka ee Trafikverket ayaa ku boorineysa gaadiidleyda in aysan ku safrin waddooyinka yar yar ee ka tegaya Stockholm ee ku teedsan xeebta Uppland ee aada gobolka Gävleborg.

– Qofka waa in uu ka fekeraa in muhiimada in waddooyinka lagu safro maanta. Waxay ila tahay in ay wanaagsan tahay in laga soo shaqeeyo xaafadaha maanta ilaa iyo xilliga qadada, ayuu yiri  Bengt Olsson, oo ah afhayeen u hadlay wakaalada gaadiidka ee Trafikverket.

Gaadiidka ayaa si caadi ah u maraya waddooyinka waaweyn sida  E4,  E20 iyo E18 mana jiro wax dhibaato xayiraad ah oo imminka ka jirta waddooyinkaasi balse mas’uulka u hadla hay’adda gaadiidka ayaa sheegay in gaadiidleyda u diyaargaroobaan dabeylo xoog badan ayna sidoo kale muhiim tahay in lala socdo isbedelka cimilada iyo xaaladda waddooyinka gaadiidka.

Dhanka akle waxaa la xiray qadad tareenka uu maro oo gaaraya ilaa iyo toban waxaana ka mid ah  Uddevalla, Mariestad, Falköping, Borås, Skene, Sala, Uppsala, Helsingborg iyo Lund iyada oo la baarayo in geedo ku soo dhaceen wadad xadiidka iyo cilado ku yimid qadka xadiidka.

Somaliska Stockholm

Xigasho/ radio sverige

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here