Home Wararka Maanta Norway 16 qof oo ku dhaawacmay Rashka la riday Sanadka Cusub.

Norway 16 qof oo ku dhaawacmay Rashka la riday Sanadka Cusub.

0

tirakoob lagu sameeyay tirada dadka ku dhaawacmay rashka ama Bulaleerka la rido sanadka cusub ayaa laga soo saaray wadanka Norway iyadoo dadka badankooda laga daweeyay indhaha oo dhibaato kasoo gaaray xiliga ay ridayeen rashka.

Shirkada Bull oo soo aruurisay tirada dadka dhibaatada kasoo gaarta rashka ayaa xogta kasoo aruurisay guud ahaan isbitaalada ka dhisan wadanka norway oo dadka badankooda la gaarsiiyay marka dhibaatada ku dhacdo

5 kamid ah 16 ee dhibaatada kasoo gaartay rashka ayaa qabay dhaawacyo culus halka 11 qof durba ay dib ugu laabteen xaafadahooda madama ay qabeen dhaawacyo fudud oo durba laga daweeyay.

Xisbiga dhalinyarada norway ee (Unge Venstre) ayaa ku baaqay in la joojiyo isticmaalka rashka ee sanadka cusub isagoo sabab uga dhigay dad badan oo dhibaato kasoo gaarto xiliga la ridayo bulaleerka.

Waa kuwan Tirada Dhaawacyada tan iyo Sanadkii 2005

2018/19: 16 dhaawacyada – 5 halis ah iyo 11 dhex dhexaad
2017/18: 9 dhaawacyada – 3 daran iyo 6 heer dhexdhexaad ah 
2016/17: 12 dhaawacyo – 4 halis ah iyo 8 dhexdhexaad
2015/16: 18 dhaawacyada – 6 daran iyo 12 dhexdhexaad ah
2014/15: 16 magdhow – 4 halis ah iyo 12 dhexdhexaad 
2013/14: 15 magdhow – 7 halis ah iyo 8 dhexdhexaad
2012/13: 17 magdhow – 5 halis ah iyo 12 dhexdhexaad
2011/12: 16 magdhow – 4 daran iyo 12 dhexdhexaad ah 
2010/11: 17 dhaawacyada – 6 halis ah iyo 11 dhexdhexaad ah 
2009/10: 10 dhaawacyo – 3 halis ah iyo 7 dhexdhexaad ah 
2008/09: 10 dhaawacyo – 5 culus iyo 5 dhexdhexaad
2007/08: 21 dhaawacyada – 6 daran iyo 15 dhexdhexaad ah 
2006/07: 20 dhaawacyo – 3 daran iyo 17 dhexdhexaad ah 
2005/06: 28 dhaawacyo – 6 culus iyo 22 xaalad daran

Waxaa laga soo xigtey: Isbitaalka Haukeland

Somaliska Oslo

Xigasho/norway today

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here