Home Wararka Maanta Norway Tirakoobka SSB Somalida oo ugu badan Qaxootiga dib ugu laabta Dalkooda.

Norway Tirakoobka SSB Somalida oo ugu badan Qaxootiga dib ugu laabta Dalkooda.

0

Warbixin ay soo saartay hay.ada tirakoobka u qaabilsan dalka norway ee SSB ayaa lagu cadeeyay in qaxootiga somalida ay ugu horeeyaan dadka dib ugu laabta dalkooda hooyo oo markii hore ay kaga soo tageen dhibaato awgeed.

Boqolkiiba 24% ayaa lagu sheegay Somalida ku sugan Dalka norway ee dib uga laabta dalka Somaliya tirakoobka ayaa lagu sheegay in Qaxootiga Eretariya ay yihiin qoomiyada labaad ee dib ugu laabta dalkooda kuwaasi oo qayaasta lagu sheegay boqolkiiba 12% codadka la aruuriyay.

warbixinta ayaa sidoo kale lagu cadeeyay dadka dib ugu safra dalkooda ay halkaasi joogaan mudo afar isbuuc ama ka badan boqolkiiba 70% qof ayaa ku cadeeyay wareysi laga qaaday oo lagu ogaaday xogtaasi.

kaalinta 3 aad waxaa galay Qaxootiga ciraaq oo safar ku taga dalkooda hooyo sanad kasta lakin warbaahinta dalka norway soo qaadanin dadka sida gaarka ah safarka ugu badan madama ay jiraan qaxooti hesta sharciga muwaadinimo iyo kuwa heesta sharciga daganaanshaha oo kaliya.

Wararka dheeraadka.

Warbixintaasi kadib waxaa tirakoobka SSB ka hadlay siyaasiyiin badan waxana ku kamid ah sylvi listhaug oo ahaan jirtay wasiiraadii hore ee soo galootiga Norway ayaa sheegtay in norway ay sharciga siisay dad aan ku habooneen.

Dhanka kale hay.ada qaxootiga u qaabilsan Norway ee UDI ayaa horay digniin ugu jeedisay dadka heesta sharciga daganaanshaha ee safarka ku taga koonfurta iyo bartamaha somaliya oo dhibaato ka jirto.

Somaliska Oslo

Xigasho/Aftenposten

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here