Home News in English Faafaahin Sharciga Cusub ee Lacagta lagu qaadanayo Maalinta ugu horeysa ee Jirada.

Faafaahin Sharciga Cusub ee Lacagta lagu qaadanayo Maalinta ugu horeysa ee Jirada.

0

sanad walbo dalka sweden waxaa ka dhaqan gala sharciyo cusub oo saameyn iyo hadal heyn ku leh bulshada dhexdeeda waxana sharciyada qaarkood ku jira kuwa isbadal lagu sameeyay iyo kuwa sidooda hore lagu soo celiyo waxana kamid ah sharciga qofka marka uu jirado maalinta ugu horeeso oo isbadal lagu sameeyay Somali badan ayaana warbaahinta somaliska.com soo waydiiyay sharaxaad dheeraad ah sharcigaasi.

Sharciga jirada ayaa markii hore dhigayay in qofka jiro qorta maaalinta ugu horeesa uusan laheyn wax lacag ah isagoo inta ka danbeesa uu helayo lacagta mushaharka uu ka qaato shaqada oo gaareysa boqolkiiba 80% halka laga jarayo oo kaliya boqolkiiba 20%.

isbadalka cusub ee Sharcigaasi.

isbadalka cusub ee sharcigaasi ayaa dhigaya in qofka uu helo lacag maalinta ugu horeyso ee uu xanuunsado ama uu jirado tusaale ahaan qofka waxa uu helidoonaan boqolkiiba 20% mushar dhan maalinta ugu horeyso halka inta kale uu helayo boqolkiiba 80% waana qorshe dowlada ay kaga hortageyso in qofka uusan mushar la.an noqon maalinta ugu horeyso ee jirada.

sharciyada bilaabanaya 1 january 2019 kuwooda cusub waxaa kamid ah Sharciga dhigaya in qofka ilkaha loogu hagaajiyo si bilaasha ah ilaa uu ka gaarayo 23 sano jir halka markii hore ay aheyd 18 sano oo kaliya iyo in maroodiga laga mamnuucay goobaha xafladaha halka markii hore lakeeni jiray.

Somaliska Stockholm

Sidee u aragtaa isbadalka Cusub maxase kugu layaab badan.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here