Home Wararka Maanta Booliska oo diiwaan galiyay Waalid badan oo Qiyaameeyay Lacagta Daryeelka Caruurta.

Booliska oo diiwaan galiyay Waalid badan oo Qiyaameeyay Lacagta Daryeelka Caruurta.

0

Booliska Sweden ayaa sanadkan 2018 waxay diiwaangaliyeen waalid badan oo qiyaameeyay lacagta gunida ee loogu tala galay daryeelka  caruurtooda taasi oo laga helo hay.ada ceemiska ee Försäkringskassan oo lacagtaasi soo marto.

lacagta loogu tala galay daryeelka caruurta oo loo yaqaano VAB ayaa looga shakinsanyahay in la qayaameeyay waxana ay gaartay boqolkiiba 85 marka lala barbardhigo sanadkii hore ee 2017 oo lasoo saaray warbixin lamid ah midaan.

Madaxa caruurta iyo waalidka ee Försäkringskassan Alexandra Wallin, ayaa sheegtay in la kordhiyay dhanka amaanka isla markana hoos u dhacday heerka lacaga la qayaameeyay sanadkan.

” Maahan mid macquul ah tirada la qiyameyay ee aan heeno iyo tirada booliska soo saaray mana heyno wax calaamad ah oo muujineysa in waalidka qayaameeyeen in ka badan intii hore.

Försäkringskassan ayaa intaasi ku dartay in booliska u soo gudbiyeen 1000 waalid oo qayaano ku sameeyay lacagta daryeelka caruurta sanadkan 2018.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here