Home Wararka Maanta Sharci Cusub oo bilaabanaya bisha June ee sanadka Danbe.

Sharci Cusub oo bilaabanaya bisha June ee sanadka Danbe.

0

Waxaa soo dhow u dabaal degga sannadka cusub ee 2019 hase yeeshee sannadkan ayay ugu dambeysaa in dadka caadiga ah ka soo iibsan karaan dukaanada bulaleyrka nooca gantaalada u sammeysan ee la rido dabaal degda sandadka cusub iyo soo dhoweeyntiisa.

Wixii ka dambeeyaa sannadka ayaa laga doonayaa dadka caadiga ah in ay soo qaataan koorso iyo ruqsad ku saabsan sida loo rido buleyrka noocaasi ah.

Sinan Pasic iyo Hampus Svedberg waa labo arday oo wax ka dhigata dugsi sare magaaladda Västerås. Waxay labadooduba la tahay in ay habboon tahay in dadka lagu xiro waxbarashada isticmaalka bulaleyrka.

Hampus ayaa sheegay in uu yaqaanno dad ay waxyeelo ka soo gaartay isticmaalka buleyrka.

Labo sano ka hor dad dhowr ah ayaa ku dhaawacmay magaaladda Malmö xilli ay ridayeen bulaleyr inta lagu guda jiray dabaal degga sannadka cusub. Dhacdadaasi ka dib, urur ka shaqeeya buleyrka ayaa soo jeediyay hindise ah in buleyrka noociisa u sammeysan sida gantaalka iibintiisa la joojiyo.

Hay’adda difaaca bulshada iyo diyaargarowga ee MSB ayaa taageersan go’aanka dalbaya in waxbarasho loo soo qaato isticmaalka buleyrka noociisa gantaaladda.

Rolf Weinander oo ah qabiir ka howl gala hay’adda MSB ayaa sheegay in ujeeddada ugu muhiimsan ay tahay in laga hortago shilalka oo ay yaraadaan dadka ku dhaawacma ridista bulaleyrka

Laga bilaabo 1 bisha Juun ee sanadka 2019, ayaa waxaa waajib ku noqoneya qofka in uu soo maro waxbarasho ay ansixisay hay’adda MSB iyo in uu oggolaasho ka helo booliska si uu u soo gato buleyrka gantaaladda.

Somaliska Stockholm

Xigasho/radiosverige

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here