Home Wararka Maanta Sanadkan 33 Erayo Cusub oo ku soo biiray Luuqada Swidhishka.

Sanadkan 33 Erayo Cusub oo ku soo biiray Luuqada Swidhishka.

0

Laga soo bilaabo 1986 waxaa sannad walba haddaayaa la soo bandhigaa ereyada cusub ee ku soo biirey qaamuuska afka ee luuqadda iswiidhishka.

Sannadka 2018 waxaa la soo bandhigey 33 erey ku soo biirey luuqadda kuwaasina oo ey ka mid yihiin ereyada Mandatpingis oo salka ku hayay doorashadii dalka ka dhacday, halkaasina oo ey codad aad u yar u dhexeeyeen codadkii xildhibaannada oo marba uu xisbi hantinayey sidii kubbadda pingiska ee miiska lagu ciyaaro.

Sidoo kale waxaa ka mid ah erayga Mikrootrohet oo macnaheedu yahay gogol dhaaf aan sidaa u weenayn, waxa loola jeedaba iyo erayga flygskam oo macniiisu yahay ceeb la dareemo in dayuurad lagu safro iyada oo looga gol leeyahay wasakheeynta cimilada ee dayuurradaha.

Ola Karlsson, wuxuu ka mid yahay culiada soo xushey 33 erey ee ku soo biirey qaamuuska luuqadda Sweden.

Karlsson oo u warramayay laanta P1-morgon ayaa sheegay inuu 33-ka erey ka mid yahay sidoo kale erayga ”Lårskav – oo macnaheedu yahay kolka ey boowdyuhu is xoqaan oo uu maqaarku ka kaco. Waxay inta badan ku dhacdaa dadyoowga cayilan iyo kolka aad in muddo ah wadid baaskiil:

-Waa nabarka ka dhasha kolka ey boowdyuhu is xoqaan, sida uu sheegay, isagoo hadalkiisii sii watana sheegay in muddo laba sannadood hortood aanu jirin isticmaalka eraygan.

Haddii uu erayga flygskam salka ku hayo cimilada ama uu erayga Mandatpingis uu salka ku haya siyaasadda iyo doorashada waxaa isaguna jira erayga Mikrootrohet oo salka ku haya kobaca aaladda dijitaalka, sida uu sheegay Ola Karlsson.

-Waxaa sahlanaatay xiriirka dadyoow kale lala yeesho, tusaale ahaan shaashadaha ey bulshadu ku kulanto. Waxay middaasina sahashay in si sahlan loo sameeyn karo gogoldhaaf khafiif ah ee dhanka romaantikada iyada oo aan qofkii lala seexan, sida uu sheegay Ola Karlsson.

Muddada lagu guda jiro sannadka ayaa eegis lagu sameeyaa ereyada ku soo kordha luuqadda. Waxaa la soo ururiyaa illaa iyo 500 oo erey oo sannadka ama sannadii ka horreeyey isticmaalkeeda la bilaabey. Dabadeed waxaa laga xushaa qiyaastii 200 oo ka mid ah oo xiise leh iyadoona ugu dambeeynta la soo bandhigo 30 illaa afartameeyo ka mid ah oo la soo shaac bixiyo iney ku soo biireen qaamuuska luuqadda iswiidhishka.

Ereyada dareenka lahaa ee sannadka laga reebey liiska qaamuuska hase yeeshee sida aadka ah loo hadal hayey ayuu ka mid yahay erayga ”klanröstning.

-Wuxuu eraygu ku saabsan yahay in kooxi ay saameeyn ku yeelato koox kale sidii ey cid gaar ah ugu codeeyn lahayd, waxaana jira xiriirin lala xiriirineyo qowmiyado ajaaniib ah.

-Hase yeeshee uu erayga Klan dhadhan kale u yeelayo, sidaa daraadeed aannu uga gaabsanney in lagu soo daro, sida uu sheegay Ola Karlsson oo ka mid ah aqoon yahanniinta wax ka soo saartay ereyada sannadka ku cusub qaamuuska luuqadda.

Diiwaanka ereyada cusub ee 2018: 

Aquafaba – miro wax lagu kariyo oo la isticmaalo badalkeed qaybta cad ee ukunta.

Beslutsblindhet – awood darro in la garawsado fikrradaha ku daneeysiga iyo go’aan ka qaadashada.

Bokashi – hab lagu sancadeeyo cunnada haraaga.

Cyberhygien – hab lagu sugo ammaanka dijitaalka oo macquul ah.

Digifysisk – oo is raacinaya joogista dijitaalka iyo oogada/qaabka.

Dm:a – inaad farriin toos ah ku dirto tusaale ahaan Instagram, Facebook iyo Twitter.

E-krona – lacag dijitaal ah oo bangiga qaranku soo jeediyey isticmaalkeeda.

Explainer – filin gaaban oo lagu soo bandhigo intenet-ka.

Flossa – qoob ka ciyaarka soomaalida ee gacmaha iyo oogada hadba dhinac loo luxayo.

Flygskam – dareen ceeb ah ee laga qaado in dayuurad la raaco iyada oo cimilada loo aabayeeleyo.

Förpappring – hab hayadi u howlgasho oo la waajibiyey in wax walba la diiwaan geliyo.

Gal–tan-skala – hab lagu qiimeeyo xisbiyada oo salka ku haya fikrradaha aasaasiga ah.

Gensax – hab lagu caddeeyo hidde sidaha qofka.

Incel – ruux si mutadawac ah keli u nool oo aaminsan inay ka dambeeyso nidaamka bulshada u degsaan.

Intryckssanera – in la tirtiro waxyaabaha luminaya awoodda isku taxalujinta.

Lårskav – kolka bowdyuhu is xoqaan.

Mandatpingis – kolka uu farqi yar u dhexeeyo natiijadii codbixinta oo marka la tirineyo is bedbedesha oo hadba xisbi guusha siisa.

Menscertifiera – in la caddeeyo in tusaale ahaan goobaha shaqada lagu xisaabtamo xilliga caadada haweenka .

Mikrootrohet – gogol dhaaf khafiif ah iyada oo aan galmo toos ah cid kale lala sameeynayn.

Nollavfall – in la hiigsado inaan la soo saarin alaab leh haraa aan dib loo isticmaali karin ama loo xafidi karin.

Någonstansare och varsomhelstare – qof aan meelna xidid/asal ku laheyn.

Nätläkare – dhakhtar dadka diyaagnos ku saara aaladda dijitaalka.

Pyramidmatta – jid gooyn sidii biiraamiidkii oo caag ah oo looga hor tago in la gooyo dhabbooyinka xaddiidka ee tareemmada.

Självoptimering – in la hiigsado sidii lagu gaari lahaa isbedelka ugu wanaagsan.

Språkplikt – shuruud in ajaaniibta dalka ku cusub ee barashada luuqadda iswiidhishka.

Spårpixel – barnaamij kombiyuutarrada ah oo qariideeya bogagga laga booqdey internet-ka.

Stöddjur – xayawaan loo isticmaalo in laga helo taageero dareen tusaale ahaan safarrada.

Swishjournalist – suxufi howlihiisa ku maalgeliyio taageero dhaqaale oo loogu diro aaladda App-ka ee Swish.

Techlash – falcelin ka timaada qaalib ahaanta shirkadaha waaweyn ee shaashadaha internet-ka, isla markaana ka soo hor jeeda saameeynta ballaaran ee teknoloojiyadu ku yeelato nolol maalmeedka.

VAR – habka qiimeeynta aaladda video-ga ee ciyaarta kubbadda cagta.

Välfärdsbrott – dembiyada isticmaalka khiyaanada ee adeegyada bulshadaargument.

Whataboutism – dood daliileed sidii looga hortegi lahaa dhalleeceeyn wax jira iyada oo loo barbar dhigeyo dhacdo kale oo jirta.

Somaliska Stockholm

Xigasho/radiosverige

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here